HomeFadeexada Joomitaradii Dawlada Hoose ee Hargeysa Qaarkood oo Dhulkii Danta Guud Ku...

Fadeexada Joomitaradii Dawlada Hoose ee Hargeysa Qaarkood oo Dhulkii Danta Guud Ku Tagri Falay, Qaarkoodna Dalka ka dhoofeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[J]oomitarada Dawlada Hoose ee Hargeisa oo loo aanaynaayo ku tagrifalka Dhulka Danta Guud ee Laga Jaro Beeraha Hareeraha Caasimada Hargeisa ku yaal iyo gudaha magaaladaba, iyada oo aanay jirin cid kala xisaabtanta, halka qaarkoodna  dalkaba ay ka dhoofeen ka dib markii ay lunsadeen Dhul Danguud oo aad u badan, maalin dhawayd waxan socdaal ku tegay dhul ka mid ah darifyada Caasimada Hargeisa, Waxan ka bilaabay Xaafada ka Xigta Hoteelka Maansoor Dhinaca galbeed, Waxan ag maray Xerada Gantaalaha, waxan waraystay dadka degan xaafadaas oo imika si aada loo dhisay. Waxay ii sheegeen in Wadooyinkii Xaafada ay Cuneen niman Jomitiro la yidhaa oo Dawlada Hoose ee Hargeysa uga masuula Qorshaynta Caasimada, Wadooyinkiina ay ka dhigeen qaar aad u yaryar oo aanay gaadhiga iyo dadku isku dhaafi karin, Waxa kale oo ay ii sheegeen in dhamaan Dhulkii Danta Guud ee laga Jaray Beeraha ku Yaala  Xaafadaas Laga soo bilaabo Huteelka Maansoor ilaa  dhulka  ku yaala Xeedho ay cuneen nimanka Joomitarada la yidhaa oo aanay jirin meel Dawladu leedahay oo laga dhigo Garoon Kubadeed, Saldhig Boolis, Masaajid, MCH ama Iskuul. Nin oday ah ayaa igu yidhi Deyrkan saw arki maysid waxa leh nin Joomitir ka ahaa Dalwada Hoose, waana dhulkii beertan laga jaray ee loogu talo galay Danta Guud in  loo reebo, ninkaasi imika wuu dhoofay, dhamaan dhulkii danta guud  isaga ayaa iska deyrtay oo sharciyaystay, mana jirto xitaa meel banaan oo caruurtu noogu ciyaarto ayuu raaciyay. Beer Xerada Gantaalaha Dhinaca Waqooyi uga foorarta ayaa la ii sheegay in dhawaan Joomitarada Dawlada Hoose Town Plankii ka sameeyeen oo la qorsheeyay,  Dhulkii danta guud ee beertaas laga jaray, Waxay Joomitaradii Dalwada Hoose dib uga iibiyeen ninkii Beerta lahaa oo ka iibsaday.  Intaas ka dib waxan Dib ugu soo noqday Xagaa iyo Maansoor dhulka soo xiga, waxa la ii sheegay markii la qorshaynayay Beerta dhinaca Galbeed ka Xigta Beerta Reer Bacado in markii Dantii guud  laga jaray uu la wareegay dhamaan Dantii Guud ee Beertaas Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligaas  Ismaciil Aadan Cismaan oo si qasab ah ku qaatay dhamaan Dhulkii Danta guud ee laga jaray Beertaas, Deyrna ku xidhay. Dhulkaas oo loogu talo galay in laga dhiso MCH iyo Garoon Caruurtu Kubada Ku ciyaarto, ilaa maantana wuxu u  deyran yahay Ismaciil Yare waan Danguud oo uu leeyahay Qaranku. Ismaaciil Yare imika waa Gudoomiyaha Ururka Dalsan. Waxan Bari uga soo kicitimay halkaas, Waxan soo gaadhay Beerta reer Xaaji Bacado. Beertaas Dhul dan guuda ayaa laga jaray, dhulkaas Maayor ku xigeenka ayaa badh dhistay oo waa gurigiisa maanta uu degan yahay, dhulkii soo hadhayna dadkale oo shiciba ah ayaa la siiyay, waana lagu tagri falay.

Hadii hore looga Cabanayay Dawladii Siyaad Bare ama kuwii ka horeeyay Hargeisa may ogalayn inay noqoto magaalo qurux badan, kuwa maanta ku tagri falaya  dhulkii danta guud ee ay masuulka uga ahaayeen umada ee beri ilmahoodu kubada ku ciyaari lahaa, ama wax ku baran lahaa ama lagu daawayn lahaa waa  kuwo u dhashay Hargeysa. Ayaan daro waxay dul hoganaysaa Maamulka Dawlada Hoose ee Hargeisa ee uu ugu horeeyo Maayor Jiciir, Uurcade iyo Xassan Xaydh oo lagu xanto inay ku tagri falaan dhulka Danta Guud iyo waliba Joomitarada ka hoos shaqeeya oo ay shuraako ku yihiin dhaca Dhulka Danta Guud ee Caasimada. Maanta Hargeisa dhinac walba in ku dhaw 5 km ayaa la qorsheeyay meel dan guud loogu talo galay oo banaani ma jirto. Xukumadu waa inay la xisaabtantaa Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeisa, waa in Madaxweynuhu Gudi degdega u saaraa in la soo tirakoobo dhulka Danta guud ee laga jaray Beeraha ku teedsan Caasimada Hargeisa. Ninka Aayaha Caruurteena Dhacaya waa inaan la daawan ee gacan bira lagu qabtaa oo sharciga lala tiigsadaa hadii kale beri ayay caruurteenu mustaqbal xumo dhici doonaan.

C/raxmaan Maxamed

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories