HomeFadeexad: Wasaarada Duulista Hawada Iyo Agaasime Sir Uu Hayo Ku Magacaaban...

Fadeexad: Wasaarada Duulista Hawada Iyo Agaasime Sir Uu Hayo Ku Magacaaban – W/Q: NaasirXasan Magan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Salaamu calaykum, dhammaan saxaafada madaxa banaan iyo akhristayaasha ku xidhanba

Inkastoo musuqmaasuqa iyo qabyaaladuba ay xukuumadan siilaanyo ka noqdeen wax aan laga gaban ama masuulku kaba baqan inuu ku xilkiisa ku seegi karo hadana marba marka ka danbaysa waxaa soo baxaya waxyaabo cusub oo xukuumadan uun laga bartay balse aan xukuumadihii hore lagu Arki jirin, maantana ila wadaaga arin yaab leh oo afkiisa ka soo yeedhay Agaasime ka tirsan Wasaaradda duulista iyo hawada Waa Agaasimaha Maamulka iyo lacagta Xasan cali Bulaale bal an idiin soo gudbiyo siday wax u dhaceen.

Waxay ahayd goor danbe abaara 2dii duhurnimo ah anagoo ka qadaynayna hudheelka Emperial waxa dhinacayaga bidix soo fadhiistay saddex nin oo dhalinyaro ah oo midkood yahay Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda duulista iyo laba inan oo kale oo la socda, cabaar haday fadhiyeenba laba ka mid ah oo midkood Agaasimaha yahay ayaa wada hadlay midbaa hadalka ku horeeyey oo yidhi “Waar xasanow de ninka waad ka khaldanayd inader, haduu ku yidhi wasiirka ayaa lacag igaga soo kaa balamiyey maxaad u qancin weydey oo u odhan weydey inader lacag ma hayo ee isagii ku noqo, sow amar diidnimo kugu noqon mayso haduu iminka wasiirkii ku yidhaahdo inankii lacagtii wuu ii diidey waa ku side Agaasime inader shaqadaada ilaasho”. Agaasimihii ayaa Intuu cadho la kacay oo kor u qayliyey ayuu ugu jawaabey sidan “ haduu iga dacweeyo aniga wasiirku muxuu igu samayn karaa walaahi baanu kelmed ii weydiin Karin war aniga xilkan cidi ima keenin ee awoodayda ayaan ku imi, Gaadhiga aan iminka wato 8000 $ ayuu ku joogaa wuuna ku khasbanaa ,khasnada Airportka waxaan doono ayaan ka isticmaalaa, Agaasimaha guudna ninkaa arimihiisa ha hor istaagin ayuu ku yidhi oo wuu igu ballamiyey, haduu juuq yidhaahdo wasiirkaad sheegaysaa walaahi isagaa gubanaya walaahi, walaahi, sirta aan ka hayo miyaad ogtahay, faylal baan hayaa, oo coddad duuban baan hayaa, oo saxaafada u dhiibayaa walahi inuu ceebtiisa hargeysa ka carrari , hooyadii kuma dhacdo, hooyadii……hooyadii …haa haa ..“ dabaddeed intuu hareeraha eegay inankii hudheelka ku yidhi war de nasii qaddada qaddo miyaanad hayn, inankii saddexaad baa yidhi war xasan fadhiiso oo shaydaanka iska naar meeshu waa hudheel ee korna waad u qaylisay , dabadeed Agaasimihii baa fadhiistay oo intuu afka ku dhoweeyey nimankii ku yidhi “inader idinku ilmaadeeraday baad tihiine, wasiirku waa nin nugul oo ima taaban karo kadibna hadalkii hoos ayay u dhigeen…..

Yaab! Iyo Amakaag

Dabadeed ninkii aanu wada qaddaynayney ayaan ku jeestay oo ku idhi war Maxamed Cabdi nimanka ma garanaysaa wasiirkay sheegayaanse ma garanaysaa , dabadeed wuxu iigu jawaabey haa ninka dheer ee wasiirka sirta ka haya isku jaamacad baanu ahaan jirney waxa la yidhaahdaa xasan cali bulaale waana Agaasimaha wasaarada duulista iyo hawada , wasiirka uu sheegayaana waa wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkana waa isku beel weliba way is xigaan ayaan filayaa, Ninkani xirfad maamul malaha, aniguba waan la yaabana markii la magcaabay waxanse islahaa eexda iyo qabyaalada ayaa magcawday kkkkkkkkkkk kkkkk qosol iyo anfariir ka dib

Intaanu meeshii ka kacnay ayaanu xaga albaabka u dhaqaaqnay , ka dib markale dib u soo noqonay oo inankii ila socdey yidhi war ina soo celi de lacagtii biilkaba maynaan bixine Yaab! Yaabkiis Waa yaabab, kadibna waxan is weydiiney tolow maxay tahay sirta ninkani hayaa ee sidaa ugu hanjabayaa , waxa laga yaabaa inuu wax ka ogyahay lacagtii la lahaa Airportka ayaa laga lunsaday, haa waa laga yaabaa, oo coddadka duuban uu sheegayaana waa maxay ma guriga ayuu la degan yahay siduu uga duubay, ma sir xaafadeed baa , Mooyi………………la soco qaybaha danbe xogo iftiiminaya musuq, eex, iyo siro hoose oo aan idiinka hayno wasaaradda duulista.

By: NaasirXasan Magan

Naasirmagan05@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories