HomeFadeexad ka dhalatay heshiis laalush ah oo Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Somaliland la...

Fadeexad ka dhalatay heshiis laalush ah oo Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Somaliland la galay Gud. Iskaashatada Gaadiidka Towfiiq

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa Warbaahinta Somaliland heshay warqad sir ah oo uu Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleeban Cawad Cali Bukhaari lacag laaluush ah ugu qoondeeyey Guddoomiyaha Iskaashada Gaadiidka ee Towfiiq, lacagtaas oo uu uga qorsheeyey kharashka laga qaadayo Baabuurta Dekedda Berbera badeecadaha ka soo rara oo ay Hay’adda Caymisku ku soo rogtay inay khasab ku qaataan warqada Caymiska oo ay bixinteeda Kooto ugu xidhay Shirkad gaar loo leeyahay oo magaceeda la yidhaahdo Amaano.

blankWarqadan Caymiska Gaadiidka ee lagu khasbay inay Baabuurlaydu qaataan, cidii aan qaadana aanay Dekedda geli karin laga bilaabo 15 Bishan September, ayey diidmo kala hor yimaadeen Gaadiidku, iyagoo mudaharaad ka dhan ah arrintaasi ay ka sameeyeen Magaalada Berbera.

Gaadiidlayda Iskaashatada Towfiiq waxa ay diiddeen inay qaataan Warqada Caymiska lagu sheegay ee lagu khasbayo, taasoo ay ku tilmaameen go’aan sharci darro ah, waxaanay sidoo kale Xukuumadda ka dalbadeen in la soo faro-geliyo amarkan Hay’adda Caymisku soo rogtay.

Xubno kamida Dallada Towfiiq oo warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in guddidii dallada iyo guddoomiyahoodiiba culays lagu saaray inay qayb ka noqdaan fulinta go’aankaasi.

Hase yeeshee arrinta fadeexadda ah ee soo baxday ayaa ah in Guddoomiyaha Hay’adda Caymisku warqad heshiis ah oo uu lacag ugu qoondeeyey u qoray Guddoomiyaha Iskaashatada Towfiiq, taasoo looga jarayo lacagta laga qaadayo Gaadiidlayda.

Sida ku cad warqad uu ku socodsiiyey Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiyaha Iskaashatada Towfiiq, waxa uu qadar lacageed oo dhan (0.5%) lacagta laga qaadayo gaadhi kasta ugu ogolaaday Guddoomiyaha Dalladaasi, kaasoo dhankiisana uu ka dalbaday inuu kala shaqeeyo fududeynta sidii ay Baabuurtu u qaadan lahaayeen warqada Caymiska.

Warqada Guddoomiyuhu qoray oo Warbaahinta Gobanimo heshay nuqul kamida, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Dallada Towfiiq lacagta loo qoondeeyey loogu shubayo Buug-xisaabeedkiisa gaarka ah, taasoo ah arrin lagu heshiiyey.

Guddoomiyaha Iskaashatada Gaadiidka ee Towfiiq oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino heshiiska qadarka lacageed loogu ogolaaday iyo inuu ogolyahay xeerkoodu ayaanay noo suurtogelin in aanu helno, hase ahaatee xubno kamida Gaadiidlayda ayaa ku eedeeyey inuu baal maray sharciga Dallada u yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa abuurtay shaki iyo jahawareer hor leh oo la xidhiidha sharciyada lacagtan caymiska ee Hay’adda Caymisku khasabka kaga dhigtay Gaadiidlayda, taasoo tan iyo markii ay shaacisay abuurtay dood iyo khilaaf gaadhsiisan inay Hay’addaha xukuumadda qaarkood ka hor yimaadaan.

Geesta kale, qaabka Shirkadda Amaano lagu siiyey bixinta shatiga Caymiska oo baal barsan nidaamka qandaraasyada Dawladda, ayuu Guddoomiyaha Bukhaari ku doodday inuu ogolaanshiyahaasi ku bixiyey go’aan isaga ku kooban, isagoo isku difaacay inuu xeerka lagu aasaasay Hay’addaasi awood u siinayo.

Xigasho: Gobanimo News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories