HomeFaalo: Saameynta Dhibaatada Yaman Ku Yeelan Karto Soomaaliland - Qalinkii: Khaalid...

Faalo: Saameynta Dhibaatada Yaman Ku Yeelan Karto Soomaaliland – Qalinkii: Khaalid Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

qawlKhilaafadka dalka Yaman waa kuwo mudo dheer soo jiitamayay oo soo maraya marxalada kale duwan, kuwaas oo mid walba lahayda duruufeeda ku xeeran, hadaba qormada ugu socdo in aan kaga hadalno  taarikhdii khilaafadka Yaman balse waxaa ku eegi doona dhacdooyinku ugu danbeeya iyo saameynta kala duwan ee ay ku yeelan karto dalkeen.

Sanadkii tagaya ayay Jabhada Xuutiyiinta  oo ah jabhada Shiico ahm oo hogaamiyo  Abdimalika Al Xuutiyi,  ee gacan saarka la leh  madaxweynihii la ridaya ee Cali Cabdalaha Saalax, ayaa qabsadaya dhul badan Waqooyiga Yaman ah oo ay ku jirto Caasimada Dalka ee Sanca, waxaa la wareegeen dhamaan dhismayaashii dawlada iyadoo qabsada xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.  waxaa sheega in ay meesha ka saareen dawladii uu hogaaminayay Madaxweyne  Haadi.  Waxaa bishan horaanteed ku dhawaaqeen dawlada ay leeyihiin oo dalka maamuli doonta.

Xaga Koonfurta Yamada ee dalka, Gobolka Al Abyan waxaa sii xoogaystay  Al- Qaacidada Gacanka Carabeed. Oo ku fiday dhul badan, waxa sababtu tahay dadka Suniga ah ayaa taageer siiyay si ay uga hortagaan Xuutiyiinta soo fidaya.  Hadaba dhibaatooyinkaas waxay sababeen in Yaman dawlada la’aan noqodo. Waxaana dhamaan dalalka xuduudaha la leh dalka yaman ee dhinaca Bad iyo dhinaca Bariga soo foodsaaray culus badan oo noocyo badan leh. Sida Dhibaato Amaan, Dhaqaale. iyo Siyaasadeeda. Waxaa ka mid ah dalalkaas dalka Sucuudiga. Cumaan. Somaliland, Jabuuti, Eratariya, Suudaan, MasarSoomaaliya iyo dawlada badan oo istimaala marinka  baabul mandaba ee bada cas.

Hadaba Soomaaliland waxay ka mid tahay dalalka xaga bada xuduudka kala leh dalka Yaman, waxaan soo foodsaaray  laba dhibaato oo waaweyn oo ah xaga Amaanka Iyo xaga Dhaqaalaha, hadiia aynu eegno dhibaatada Xaga Amaanka: Yaman waxaa baabayda dawladii shaqaynsa waxaa kor u dhacay awoodii ururada argagixisada sida Al-Qaacida iyo kuwo kale. Waxaa gacan saar la leeyihiin dagaalayahanada ka dagaalada gudaha dalka aynu jaarnahay ee soomaaliya,  Kuwaas oo halis ku ah amaanka dalkeen waxay hubka iyo tababarada ka helay Al-Qaacida Gacanka Carabeed, waxaa jira ururkaasi in ay hubka iyo saamada kala soo degi jireen  Xeebaha Bariga Gobolka Sanaag halkaas oo ay kooxdu ku leedahay awood badan barigii hore.

Waxaa kale oo Hub Iyo Saanada Ciidan ka heli kara cadawga soomaaliland Sida Maamul Gobeedka Soomaliyeed ee Puntland,   Khaatumo, Jabhada Suldaan Wabar, iyo dhamaan cadawga kale duwan ee Jamhuuiyada Soomaaliland. waayo dalka Yaman waa dal hodan ku ah hubka noocyadiisa kala badan siiba Hubka Nooc Fudud.  Waxaa markaas dhici karta in hub badan uu  ku soo qulqulo si tahriiba dhulka soomaaliland, oo awooda kooxaha ka soo horjeeda Soomaliland kor u qaada taasi waxa keeni doontaa in amaanka soomaliland halis galo.

Xaga Dhaqaalaha: dalkeenu waxaa uu la leeyahay xidhiidh dhaqaale Dalka Yaman , oo taarikhi ah, waxbaynu u dhoofinaa, waxna way ka soo dhoofsanaa, waxaa u dhoofinaaXoolaha Nool waan dalalka xoolaha  ugu badan aan u dhoofin jiran marka laga yimaado dalka Sucuudiga Iyo Dalka Imaaratka Carabta. Waxa ka soo dhoofsanaa alaab badan oo ay ku jiraan waxaa laysku yidhaahdo Magaashka, Sharaabada, iyo waxyaabo kale oo badan, hadaba dhibaatada Yaman waxaa keeni doona in ay hoos u dhacdoSuuqa Xoolaha, waxaa kale oo kor u kici kara qiimayaasha aleebta aynu ka soo dhoofsan jirna hadii ay joogsadaan.

Waxaa kale oo jira dhibaatooyinka kale oo in soo foodsaari kara haddii colaad dalka Yaman sii xoogaysato, sida in qoxoonti badan oo aynu Qaadi Karin Culasykooda.

Ugu danbayntii dalkeenu waxaa uu u baahan yahay  in aynu tirade ku darsano dhibaatada dalka yaman oo saameynta badan inagu leh, waxaa kale oo muhiim ah la xaliyo dhamaan khilaaafada gudaha ee dalkeena sida Cabashada Bariga Iyo Galbeed, sidoo kale in kor loo qaado awooda Ciidanka Sirdoonka, Ciidanka Qaranka, iyo kuwa Booliska ee dalka si aynu dhaqdhaqaayada ururada argagixisada uga hortagno. Iyo hagardaamooyinka cadawga Jamhuuriyada Soomaaliland.

Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale

Tel: +252634111694

Twitter: @KHDualeh

Email: khdualeh@gmail.com

www.khdualeh.blogspot.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories