HomeFaallo:Saamaynta Qurba-Joogtu ku Leedahay Tahriibta

Faallo:Saamaynta Qurba-Joogtu ku Leedahay Tahriibta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Marka aan soo qaadano Mowduucan Tahriibka waa Mid leh dhinacyo badan u baahanayana inaan u soo qaadano Mid mid ,mid walbana Gaarkiisa u gorfayno waana mid soo socotay ilaa kumanaan sano ka hor Mar xalad kasta bini’aadamku ha u tahriibeene Bulshada Soomaaliyeedna waxay ka mid tahay qoomiyadaha uu sida Gaarka ah u taabtay tahriibku sanooyinkii u danbeeyay Waxana ina Hareereyey oo inagu heeryeysan quluubteena iyo qalbiyadeenaba ka hugmaysa,dhalinyaro hayaantay oo ka heerintay hoygoodi iyo hantidii ay lahaayeen una hanqaltaagaya Laac Meel Fog ka baxay.

 

Waxaa la aaminsanyahay in tahriibta iyo hiyi kaca dhallinyarada Soomaaliyeed ay keenaan dhowr sababood oo Mid walba Gaarkiisa saamayn u leeyahay waxayna ka bilaabataa Qalbi hoosta ka Holcaya. Maan hoosta ka hurmaya inaguna aynaan dareemayn .

Waxaa walwal iyo wal bahaar Joogtahi la soo darsan Hooyooyin badan oo habawsan Garan la’na halka ay u raacaan qaybo ka mid ah u badkoodii oo Mar hor u hayaamay dhanka tahriibta naftoodiina ku biimeeyay Saxaraha iyo Badaha Halista ah ee is badbadalka badan waxaana Hogaanka u haysa Naf ,u hiin raagaysa siday hanadkeeda jiho la’aanta ah uga Guul Gaari lahayd.

Dhalintii way hiyi kaceen wayna hanqal taagmeen waxa haleeyey oo himiladoodi,hiigsigoodi,iyo hamuuntii ay hogaanka dalka u qabeenba haleeyey is badallo nafsadeed oo dhinacya badan .

Waa hanado heermaay oo hayaamay oo baraha bulshada iyo bar kulanadaba camiray iyagoo siyaabo kala duwan isugu gacan haatinaya.

Magaca qurbe jog ayaa hantiyey qalbiyada dhalinyaradeena Wuxuu noqday magac laga maamuso dhalinta dhexdeena wuxuuna milgastay hankii iyo haybadii qolqol joogta.

Qurbe joogta ayaa noqotay dadka sida weyn looga maamuso ,magac iyo milgaha miisaniyadeedna laga siiyo dalka gudihiisa Taas badalkeeda Waxa hagaasay oo hoosta maray dhalinyaradii qolqol joogta ahayd waxayna hoos u ragaadiyeen dhalinyaradii aqoonyahankii iyo kii aradayga ahaaba.

Waxay degel madhan ka dhigeen hankii iyo u heelanaanta siyaasada iyo hogaanka dalka laga lahaa Hadaba iyadoo durufahaasi qalafsani jiraan ayaa dhalinyaradii ninba taagtii tahriibay oo ka talaabay xududaha hoygoodi ,hantidoodii iyo haybadoodiba.

Maahmaah soomaliyeed ayaa tiraahda ,wuxuu qayrkaa qabo qosolkaa ku dhan Waxay ku yeelatay saaamayn baban oo la taaban karo dib u soo noqoshada Soomaali badan oo Qurbaha u firxatay xilligii dagaaladii sokeeye.

Dib u soo laabashada boqolaalka qurbo joogta ah ee Bil walba iyo sanad kasta wadatana soo dhawaynta, Maamusida ,sharfida iyo u samaynta Magac weyna,taasi waxay qalbi jab iyo quwad jab ku noqotay dhalinyaradii qolqol jooga ahayd ee Muddo sanooyin adag ah soomaray.

Nin walbaaba wuxuu ku taamaa bal tahriibo wuxuun taranso ,waxaana lasoo dersa maalintaa hammi iyo hanti urursi weyn ,waxaana hoos u dhaca hiigsi iyo han wuxuu lahaaba dabadeedna wuu heerya tuuraa taasina waxay horsed ka tahay hayaanka joogtada ah ee dhalinyarada haybinaysa u heelanaanta wadamo shisheeye u hayaankooda .

W/Q:Muna Qoorsheel.

munaqoorsheel@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories