HomeFaallo: Taariikhda Iyo Dhibaatada Somaliweyn Ku Hayso Somalida Xorta Ah

Faallo: Taariikhda Iyo Dhibaatada Somaliweyn Ku Hayso Somalida Xorta Ah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

blankSannadihii 1940s, waxaa Geeska Afrika ka soo shaac baxday Aragtidii Somaliweyn. Aragtidaas xoogeedu waxay bilaamatay badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945). Halgamadii xornimadoonka ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn.

Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960. Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn sidii Carabweyn ay u burburtay. Waa midda kowaade, Dalka Jabuuti ayaa markii uu xornimada qaatay 1977 diiday inuu ku soo biiro Somaliweyn isla markaana noqday dawlad madaxbanaan kadib markuu arkay in Somalia ka duudsiday Somaliland saamigii ay ku lahayd dawladdii midowga ahayd. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii Somalia kula kacday Somaliland dulmi iyo tacadiyo ka baxsan Islaamnimada iyo Somalinimada mudadii uu jiray midowgu (1960-1990). Waxaa lagu maahmahaa, “Dambas aadan dabkiisa ku guban kama leexatid”. Somaliland waa ku gubatay midowgii waana ka noqotay. Somaliland iyo Somalia ma ahayn labadii dal ee midowgoodu burburo. Waxaa sidaas oo kale u burburay Midowgii Masar iyo Suuriya 1958 isla markaana burburay sannadkii 1961, Midowgii Yogoslafia oo kala tagtay 1995 kadib markii dagaallo fool xumi ka dhexdhaceen.

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan oo isku xasuuqaan. Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas ah oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn. Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas.

Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

Dawladdii Rayidka ahayd ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia kuna midoobeen Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta, jirtayna mudada 9 sano ahayd (1960-1969) waxay ahayd mid ay lahaayeen labadii ummadood ee midoobay 1960 inkasta oo Reer Waqooyiga laga duudsiyay saamigii ay ku lahaayeen dawladnimadaas. Madaxdii xilligaas waxay ka ilaaliyeen dawladnimada inay noqoto mid loo loogo ama ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) ee aan wada lahayn si looga hortago fawdo ka dhalata dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta uu ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5-ta Somaliyeed. Waxaa uu u gacan-haadshay dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay Gole Sare, baarlaman, wasiirro, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Dadkii gobolladaas ka yimid ee qabsaday dawladnimadii Jahuuriyaddii Somalia waxay dadkii dalka u dhashay kula kaceen cadaadis siyaasadeed waxayna si weyn uga qaybgaleen dilkii, xasuuqii, iyo burburkii loo geystay dadkii iyo dalkii Jamhuuriyaddii ay martida ku ahaayeen.

Qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn aan waxba wada lahayn. Ninka Reer Masar ah ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu dal kale oo Carbeed ku galo sharci la’aan ama ka helo jago wasiir, darajo iwm. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado sida Somalida.

Somalia oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso Somalida xorta ah. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in hogaamiyaha iyo milliishiyada Kismaayo dagaalka ku qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya ee ku sugan Kismaayo oo aan amar ka qaadan Amisom iyo dawladda Somalia. Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo dagaal kula jira kooxdan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia.

Sannadkii 1977 ee Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia qabsatay Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya ka tirsan, ayaa waxaa dhacday in Jabhaddii la odhanjiray Somali Galbeed ay diiday in calankii Somalia laga taago dhulkii la xorreeyay kana taagtay calankii jabhadda qaybtii ay ku lahaayeen dhulkaas, maantana waxaa la rabaa in magaca Somaliweyn lagu boobo gobollada ugu muhiimsan Somalia. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada. Dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo Somalia waxaa suurtogal ah inuu Kenya u soo jiido jab, burbur dhaqaale, iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya.

Sidaas daraadeed, waa in la ogaadaa in 5ta Somaliyeed la kala leeyahay, dawladnimada midkastana aanay marnaba ka dhaxayn 5ta Somaliyeed isla markaana midkasta lagu galo sharci.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Taariikh: March 5, 2020

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories