HomeFAALLO: Dhakhaatiirta Iran maxaa ka khuseeya Dekedda Berbera iyo Beeraha Somaliland?

FAALLO: Dhakhaatiirta Iran maxaa ka khuseeya Dekedda Berbera iyo Beeraha Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa caasimada Hargeysa soo gaadhay 22kii bishan dhakhaatiir ka kooban toban xubnood oo u dhashay dalka Iran, gadhwadeena u ahaayeen shirkad ganacsi oo dalka ka hawl-gasha. Waxaana la sheegay inay  wax ka qaban doonaan caafimaadka iyo beeraha, waxaanay soo kormeereen dekeda Berbera.

Haddaba, imaatinkii kooxdan dhakhaatiirta ayaa isagoo ka hadlaya masuul ka tirsan shirkadda suurto-galisay imaanshahooda, waxuu sheegay, in laba nin oo sahan ah hore u yimaadeen Somaliland oo markii ay indha-indheeyeen, kuna qanceen nabadgelyada dalka soo direen kooxdan. Waxaanay wax ka qaban doonaan caafimaadka iyo xaga beeraha. “Hawshani waxay ku timi markii Soomaaliya loo qeyliyey in la caawiyo ayaan hadaan nahay (Shirkadda), maadaama aan Soomaaliya ka mid nahay sidii qeybteena loo heli lahaa ayaan ka hawlgalay. Waanan ku soo guulaysanay inaan qeybteeni soo helo. Dalka way degi doonaan, dhamaan deegaamada dalka ayey soo arkayaan. Wasiirada Caafimaadka iyo beeraha waanu la kulanay, aadna way noo soo dhoweeyeen,” ayuu yidhi masuulka shirkadda u hadlay

Dhakhtar magaciisa ku sheegay Mansoor al Nasir, oo u hadlay ayaa sheegay, Inay yihiin koox dhakhaatiir reer Iran ah, “Dhamaan waxaan ka soconaa Imaan Khumayni relief Foundation. Waan u mahadnaqayaa Ismaaciil, kaalmadii u ka geystay imaatinkayaga Somaliland, waxaan ka kooban nahay dhakhaatiir takhasus ah iyo kalkaaliyeyaal, dawooyina waan sidnaa. Somaliland waa dal fiican, waan booqday dekeda Berbera, waxaad leedahiin bad wanaagsan. Sababtaan u nimi waa inaan caawino walaalahayaga Soomaalida, sidaa ayaan halkan u nimi.”

Ninbaa laga hayey xaajaba la’ yaab lehe, bal aan qodo xabaalaha,

  • Isweydiinta koowaad waxay tahay, muhiimada shirkadan ganacsi ee Star Group ka leedahay keenitaanka dhakhaatiirtan, mise sida ay xaqiijiyeen, waxay nimankani inoo haystaan inaan qeyb ka nahay Soomaaliya, sidaana ku joogaan? Mise hadaf qarsoon ayey la fulinayaan?
  • Maxaa keenay in niman dhakhaatiir caafimaad lagu sheegay uga hadlaan arrimaha beeraha,  dalkoo dhana u soo mari doonaan?
  • Sida uu sheegay ninka u hadlay kooxdan dhakhaatiirta ah maxaa ka khuseeya booqashada dekeda Berbera iyo ka hadalka bada wanaagsan ee Somaliland leedahay?
  • Ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya imaatinka kooxdan ujeedada dahsoon ee Iran iyo samaysanka ururo diimeed dhowaanahan ku dhawaaqayey inay doorashooyinka ka qeybgeli doonaan, isla markaana shuruucdeena doorashooyinku ogolayn?

Dalka Iran oo siyaasadahiisa caawimadu inta badan dabada ku hayso faafinta mabda’ooga shiicada, hadaanay hadafkooda imaatinku dhinacaa ku waajahnayn, ama hoosta ka abaabulayn samaysanka ururo diimeed lagu kala dhantaalo xasiloonidii dalkan, ama sida dadka qaarkood sheegayaan u socon gurashada macdanta Yuraaniyam oo dalkeena lagu sheego, waxa loo baahan yahay masuuliyiinta xukuumada ee ay khusayso inay faahfaahin buuxda ka bixiyaan ujeeddada imaatinka kooxdan reer Iran.

Ugu danbayn, waxaan bulshada reer Somaliland kula talin lahaa in fiiro gaar ah loo yeesho ujeedooyinka aan caddeyn ee kooxdan dhakhaatiirta reer Iran, hay’adaha ay kusayso ee xukuumaduna fiiro gaar ah u yeeshaan sidii ujeedada dhabta ah ee kooxdan u ogaan lahaayeen, si talaabada ku haboon looga qaato.

Maxamuud Cali

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories