HomeFaa’iidooyinka Caafimaad ee Ku jira Ku Maydhashada Biyaha Qabaw

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Ku jira Ku Maydhashada Biyaha Qabaw

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Barnaamijka Caafimaad ee SLpost Idiin Soo Gudbiso todobaadkan waxa aynnu kaga hadlaynaa faa’iidooyinka biyaha qabaw oo lagu maydhaa ay innoo leedahay caafimaad ahaan. Waxa kale oo aannu dhawaan idiin soo bilaabi doonnaa barnaamij taxane ah oo ka hadlaya nafaqaynta iyo cilmiga cuntada Idamka Rabbi.

Caafimaad(SLpost)- Sida ku cad Qur’aanka Kariimka ah markii uu Nebi Ayuub (CS) uu ku samray imtixaankii la mariyey iyo dhibtii ka soo gaadhay cudurkii ku dhacay ee wadnaha marka laga reebo jidhkiisa kale oo dhan aanay jirin meel irbad afkeed le’eg oo u fayoow, waxa uu miciinsaday duco iyo Alle bari laga aqbalay.

Arrinta xikmaddu ku jirtaa waxa ay tahay in markii Alle uu doonay in uu caafimaad siiyo, uu ku amray in uu saro kaco kadibna lugta uu dhulka ku dhufto (Harraatiyo), halkii uu Nebigu (CS) lugta ku dhuftay waxaa ka soo burqaday biyo durdur ah, waxa aanu Alle amar ku siiyey in uu ku maydho, kadib waxa uu biyihii Alle uga dhigay dawo ka kaxaysay wixii uu cudur qabay oo dhan. Haddaba qormadan waxa aynu kaga waramaynaa faa’idooyinka caafimaad ee biyaha qabow (Looma jeedo kuwa lagu qaboojiyey tallaagad iwm, balse waa biyaha caadiga ah) ay u leeyihiin jidhka.

– Biyaha qabow waxa ay kor u qaadaan firfircoonida jidhka, waxa aanay wanaajiyaa wareegga dhiigga, iyaga oo sidoo kalana firfircooni ku beera muruqa wadnaha oo ay sidoo kale xoojiyaan.

– Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Jarmalka ayaa daahfurtay in dad muddo Afar toddobaad ah lagu daweynayey biyo qabow lagu arkay, kor u kac awooddooda iska caabbinta cudurrada ah.

– Waxa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ku maydhashada biyaha qabow iyo cabbitaankooduba ay qofka ka yareeyaan kaarka iyo garaaca xanuunku keeno. Biyuhu waxa ay jidhka ka caawiyaan in uu soo daayo hormoonka Endorphin oo la og yahay in uu dilo garaaca iyo kaarka, in uu firfircooneeyo neerfayaasha dareenka ee maskaxda iyo in uu wanaajiyo xaaladda nafsiga ah, sidoo kale hormoonka Endorphin waxa uu bararujiyaa hab-dhiska neerfayaasha, taas oo caawisa in qofku uu noqdo mid ruux feejigan oo jawaab celintiisu dhaqso tahay.

– Ku maydhashada biyaha qabow waxa ay qofka ku abuuraan firfircooni iyo tamar dheeraad ah, waxa aanay kaxeeyaan daalka iyo tacabka jidheed iyo ka nafsiga ah labadaba.

– Biyuhu waxa ay firfircooni geliyaan hab-sami u shaqaynta ganaca iyaga oo ka caawiya in uu soo saaro hormoonka Insulin oo jidhka ku filan. Taas oo iyaduna keenta in sonkorta dhiiggu ay dhaqso u gubato. Marka ay sidaas tahayna waxa ay noqonaysaa in biyuhu ay u fiican yihiin dadka cudurka macaanka leh.

– Biyuhu waxa ay xoojiyaan hab-dhiska difaaca: Tiro koob lagu sameeyey dalka China ayaa lagu ogaaday in dad waayeel ah oo si joogto ah ugu maydhan jiray barkad biyad biyaheedu qabow yihiin ay noqdeen kuwo ka caafimaad badan kuwa da’dooda ah ee aan joogtayn maydhashada ama biyaha diirran ku maydha.

– Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in ku maydhashada biyaha qaboobi ay jidhka ka ilaaliso bararka.

– Ku maydhashada biyaha qaboobi waxa ay giijisaa maqaarka jidhka, waxa aanay ka ilaaliyaan coodh-coodhka.

Digniin: Iska jir in aad ku maydhato biyaha aadka u qabow, haddii aad leedahay cudurradda ay ka mid yihiin Dhabar xanuunka daran iyo xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga

 

Xigasho: Geeska

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories