HomeFaa’idooyinka Beerka Adhigu U Leedahay Caafimaadka Iyo Dhibta Uu Ku Keeni Karo...

Faa’idooyinka Beerka Adhigu U Leedahay Caafimaadka Iyo Dhibta Uu Ku Keeni Karo Xaaladaha Qaarkood

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Waa shaki la’aan in cunista noocyada kala duwan ee hilibku ay faa’idooyin aan la soo koobi Karin u leedahay quudinta iyo nafaqaynta muruqyada, lafaha iyo neerfayaasha qofka, isla markaana ay xoojiso dhismaha jidhka. Hilibku waxa uu jidhka siiyaa tamar iyo firfircooni uu hawlihiisa ku qabsan karo.

Xeeldheerayaasha nafaqaynta iyo caafimaadka cuntada ayaa sheegay in beerka digaagga iyo iduhu ay ka mid yihiin qaybaha ugu muhiimsan hilibka, marka la eego faa’idooyinkooda nafaqo ee aadka u heersarreeya iyo awoodda ay u leeyihiin in ay daweeyaan xanuunno badan. Waxa aanu ka mid yahay cuntooyinka hodanka ku ah maaddooyinka xadiidka iyo macdanaha kale leh ee uu jidhku u baahan yahay. Waxaa isaguna ku badan Faytamiin A iyo faytamiinnnada isku dhisan ee B sida Fataymiin B1, B9, Asiidhka muhiimka ah ee Folic, Phosphor iyo Selenium. Sidoo kale beerku waxa uu hodan ku yahay Barootiinno, dufanno waxtar u leh jidhka, Zink, iyo curiyeyaal kale oo badan.

Xanuunnada uu beerku daweeyo waxaa ka mid ah dhiig-la’aanta, Aneemiyada, waxa uu ka qayb qaataa caafimaadka qanjidhka hunguriga oo uu ballaadhka ka ilaaliyo, waxa uu ka hortagaa in ilmaha uurka ku jiraa uu abuur ahaan ku yimaaddo khalkhal dhinaca muuqaalka ah, waxa uu kordhiyaa bacariminta haweenka oo uu ka caawiyo uur qaadista, aadna u daciifiyo fursadaha ma dhalaysnimada, waxa uu u fiican yahay daweynta cudurka Pellagra oo keena xaalado ay ka mid yihiin, shuban, khalkhal ku yimaadda neerfayaasha iyo caabuq maqaarka ku dhaca.

Ugu dambayntii khubaradu waxa ay sheegeen in cunista beerka adhiga, gaar ahaan idaha iyo ka digaagga ay ku jiraan maaddooyin muhiim ah oo haddii si nidaamsan loo joogteeyo cunistiisa xoojiya aragga, daweeyana dhibaatooyinka aragga dhow ku dhaca oo inta badan ka dhasha nafaqo xumo. Waxa aanu wanaajiyaa caafimaadka timaha, dubka iyo ciddayaha. Waxa uu yareeyaa caabuqa carrabka ku dhaca, dil-dillaaca maqaarka, waxa uu ka hortagaa lafo burburka, waxa uu wanaajiyaa caafimaadka ilkaha, dumarkana waxa uu ka caawiyaa ka soo kabashada dhiigga caadada.

Dhibta caafimaad ee ka dhalan karta beerka:

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in beerka cunistiisa oo qofku isku badiyaa ay keento dhibaatooyin caafimaad darro oo ay ka mid tahay, in jidhka ay ku ururaan maaddooyin ku jira beerka oo keena cudurka Turqo ee afingiriisiga lagu yidhaahdo Gout, oo ku dhaca isgoysyada iyo suulka cagta. Beerku waxa uu badiyaa Kalastaroolka, waxa aanu khatar ku yahay dadka qaba wadne xanuunka, dhiigkarka iyo macaanka.

Ugu dambayntii Beerka waxaa ku jira Faytamiin B12 aad u badan oo lagu qiyaaso in ay saddex laab ka badan tahay, xaddiga uu qofku maalintii uga baahan yahay Faytamiinkan. Sidoo kale waxaa beerka ku jira Kalastarool, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in cunista beerka aan aad la isugu badin. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in beerka si taxaddar leh ay u cunaan dadka qaba dhiigkarka, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga, wadne xanuunka iyo macaanka.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories