HomeFaa’idooyin Caafimaad Oo Badan Ayaa Ku Jira Saddex Khudradood Oo Dalkeenna Laga...

Faa’idooyin Caafimaad Oo Badan Ayaa Ku Jira Saddex Khudradood Oo Dalkeenna Laga Helo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-saddex nooc oo ka mid ah khudradda sida joogtada ah dalkeenna looga helo, iyada oo aanu weliba qiimaheedu qaali ahayn, ee ay khubarada caafimaadka dunidu sheegeen in ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo aad u weyn.

tamaandho

1. Beytaraaf: Beytaraafka waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah asiidka Folic Acid iyo Ganka loo yaqaanno Dietary fiber labadaas oo la og yahay in ay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Beytaraafka waxa kale oo ku jira isku-dhisyo dhireed oo si weyn u xoojiya hab-dhiska difaaca ee qofka.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in cunista Beytaraafku ay kor u qaaddo tamarta ku jirta jidhka, dejiso dhiig karka, isla markaana yarayso caabuqa iyo xanuunka Laabatooyinka. Sidoo kale Beytaraafku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka taariikhihii hore ahaa daawo dhaqameed loo isticmaalo xoojinta awoodda jinsiga.

2. Busbaas akhtarka (Qaji): Busbaas qajiga waxaa ku jira maaddada Capsaicin oo ah tan iyadu kulaylka keenaysa, taas oo ay khubarada caafimaadku qireen in ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, tusaale ahaan waxa ay maadaddani ilaalisaa caafimaadka xididdada dhiigga, waxa ay xoojisaa hawsha dheef-shiidka, waxa aanay firfircooni gelisaa qaar ka mid ah maaddooyinka kiimikaad ee maskaxda, waxaana ka mid ah kuwa dareenka gaajada baraarujiya. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in maadaddan Capsaicin ay jidhka ka caawiso in uu soo saaro xaddi badan oo ah hormoonka Endorphin oo loo yaqaanno hormoonka farxadda, maadaama oo uu abuuro shucuurta farxadda.

Khubaro badan ayaa aaminsan in maaddooyinkan busbaasku ka samaysan yahay leeyihiin faa’idooyin kale oo ay ka mid tahay, xanuun baabi’iye (Kaar Jebin), Miisaanka ridistiisa oo uu caawiyo busbaasku, maadadda Cayenne ee busbaaskak u jirta ayaa hoos u dhigta kaalastaroolka, lana aaminsan yahay in ay ka hortagto xijirowga dhiigga jidhka ku wareegaya, faaliigga, iyo xidhmista xididdada wadnaha iyo sambabada, waxa uu yareeyaa cabudhka sanka maadaama oo uu nadiifiyo hawo-mareennada, waxa uu xoojiyaa hab-dhiska difaaca, waxa uu yareeyaa halista Kansarka qanjidhka ragga.

3. Tamaandhada: Tamaandhadu waxa ay qani ku tahay Faytamiinnada C iyo A iyo maaddooyin ay ka mid yihiin Potassium kuwaas oo dhammaantood faa’ido aad u badan u leh caafimaadka. Sidoo kale maadadda Lycopene ee ku jirta Tamaandhada oo ah tan sababta u ah in ay yeelato midabka casaanka ah, ayaa awood u leh in ay jidhka kala dagaallanto gabowga, kaalin mug lehnak a qaadata ka hortagga Kansarka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Sida lagu baahiyey shabakadda wargeyska Deutsche Welle oo laga leeyahay dalka Jarmalka maadadda Lycopene waxa ay jidhka ka yaraysaa kalastaroolka dhibta leh, waxa aanay u wanaagsan tahay aragga iyo caafimaadka indhaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories