HomeFaahfaahinta Socdaal Saddex Ujeeddo Xambaarsan oo Wefti Wasiirro ahi Ku Joogaan Ceerigaabo

Faahfaahinta Socdaal Saddex Ujeeddo Xambaarsan oo Wefti Wasiirro ahi Ku Joogaan Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Ceerigaabo (SLpost)- Wefti ka kooban Afar Wasiir oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa ugu sugan magaalada Ceerigaabo Xalinta is-maan dhaaf iyo shaqaaqo ka dhex aloosan bulshada magaalada Ceerigaabo, taas oo ku timi saluug ay bulshada qaarkeed ka muujiyeen qaabkii loo maamulay lacagtii Giimbaarta ahayd ee Xukuumaddu ka beddeshay magaaladaas.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir Cali oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Gaashaan-dhigga Md Axmed Cali Cadami, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md Cali Siciid Raysal iyo Wasiirka kheyraadka Biyaha Md  Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa shalay socdaal ku gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wasiirka Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay ujeeddada socdaalkooda, ayaa ugu horreyn bulshada iyo maamulka gobolka/magaalada uga mahadceliyay soo-dhaweyntooda, waxaanu ka waramay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho, kaas oo ku taxaluqa saddex ujeeddo oo kala duwan.

wasiirrada“Waxaaanu nahay wefti  Afar xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda oo uu soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) intaanu qaban safarka Turkiga, markaa waxa uu halkan noogu soo diray inaanu joogno maalmo, si aanu xoog warran uga helno Gobolka, anaguna aanu ugu warrano, iyaguna aynoo warramaan hadday tahay waxgarad iyo hadday tahay shacabkaba,” ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw-Daahir.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Ta labaad ee aanu halkan u nimi waxay ahayd madaama Madaxweynaha hadafkiis kowaad ay tahay in waddadaas Ceerigaabo iyo Goballada isku xidha in la dhiso oo la iskugu tago, waxaanu arrinkaasi ka yimaaddaa iyadoo ga’aankaas Dawladu qaadatay in shacabka Reer Somaliland gude iyo debad-ba meelkasta oo ay joogaan in la iskugu tago sidii loo dhisi lahaa waddadaas, taasina waxay ku imanaysaa inaga oo tacabka iyo talada ka wadda midowna. Markaa taasi waxay sabab u noqotay in anaguna aanu ka qayb qaadano wacyi-galinta Bulshada.”

Wasiirku waxa kale oo uu soo hadal-qaaday ujeeddo kale oo socdaalkooda gobolka Sanaag la xidhiidho, “Waxa kale oo aanu halkan u nimi shaqaaqooyinkii dhacay, markaa waxa loo baahan yahay in wax yaabahaas dhacay la dhigo oo lagu midoobo shaqada. Meelkasta way ka dhacdaa is Af-garan waagu, lakiin waxa lagu xalin karaa inaynu ka eegno danta guud ee wayn. Waddadaasna Ceerigaabo oo kaliya sugimayso ee Ummadda oo dhan ayaa sugaysa, waxaana la ansixiyey Xeer dhaqaale loogu aruurinaayo oo ku adag Xukuumada Somaliland,” ayuu yidhi.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories