HomeFaahfaahinta Qarax Fejeciso ku abuuray Shacabka oo Caawa ka dhacay Hargeysa

Faahfaahinta Qarax Fejeciso ku abuuray Shacabka oo Caawa ka dhacay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qarax dhawaaqiisu fejeciso ku abuuray Shacabka magaalada Hargeysa isla markaana laga wada-maqlayey badi xaafadaha Caasimadda, ayaa abbaaro 12:03 habeenimo ee caawa ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha.

news1Qaraxan oo loo malaynayo in loo adeegsaday walxaha gacanta lagu farsameeyo, ayaa ka dhacay Meel biyo-mareen ah oo dhinaca ku haysa waddada laamiga ah ee daba-marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, gaar ahaan halka ay ka bilaabanto waddada laamiga ahi ah oo dhinaca Woqooyi kaga beegan Xarunta hay’adda Shaqaalaha ee sii dhex-marta Guryaha la odha jiray Hindiya Laynka.

Inta badan Xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaa si weyn looga maqlayey dayaanka uu sameeyey Qaraxan oo aan aan la aqoonsan waxa uu yahay, haseyeeshee ma jiro khasaare nafeed iyo wax burbur ah oo ka dhashay.

“Annaga oo hurudna, ayaanu mar kaliya ku kacnay qaraxa, carruurtiina way sastay, xataa jiingadda guriga ayaanu moodnay dabayli la tagtay qaylada awgeed. Markii bannaan aanu u soo baxnay, waxba maanu arag. Dabadeedna kurayda yar-yar ayaa tidhi laagta ayay wax ka qarxeen oo qaaca ayaanu arkaynay,” sidaa waxa khadka telefonka noogu sheegtay haweenay gurigeedu ka ag-dhow yahay goobta qaraxu ka dhacay.

Ciidamo boolis ah iyo kuwa birmad ah ee hawl-gallada deg-degga fuliya, ayaa isla markiiba goobta gaadhay, kuwaas oo markiiba bilaabay baadhitaan ay ku baadi-doonayaan waxa qarxay iyo cidda ka dambeysay haseyeeshee, ma jirto masuul ka soo baxay hawl-galka ciidamada.

Iyaga oo xilliga dhawaaqa qaraxa la maqlay ku beegnayd xilli saqdhexe ah oo dadka intooda badani seexday, haddana waxa la arkayey dad fara-badan oo hor u tuban xaafadaha magaalada, kuwaas oo ay fejeciso ku noqotay dhawaaqa Qaraxa ay maqleen oo wada-gaadhay inta badan magaalada.

Sarkaakiil ka tirsasn Ciidanka Ammaanka ayaa Codkahargeysa.com u sheegay in Qaraxa loo adeegsaday bambooyinka gacmaha laga tuuro, waxaanu sheegay inaanay cidi waxba ku noqon qaraxan.

Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo aanu la xidhiidhnay dhakhaatiirta heeganka habeenkii ku jira, ayaa noo xaqiijiyey inaan la keenin cid wax ka soo gaadheen qaraxaas.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories