HomeFaahfaahinta Kulan laba Geesood ah oo Hargeysa ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo...

Faahfaahinta Kulan laba Geesood ah oo Hargeysa ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Masar u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya, Amb. Waliid Ismaaciil oo uu wehelinaayo ku xigeenkiis Mr. Axmed Shadiid.

IMG_0001Madaxweynuhu waxa uu safiirka uga warramay xaaladda guud ee dalku halka ay marayso iyo horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada arrimaha bulshada ee la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka,  ganacsiga iyo nidaamka dimuquraaddiga ah ee doorashooyinka dalka ka qabsoomay oo dhammaan laga gaadhay guul iyo sumcad ballaadhan oo indhaha beesha caalamka bartay Somaliland waxay tahay, qiimaha ay ugu fadhido guud ahaan Afrika, isla markaana ay Somaliland tusaale ugu noqotay dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaalla.

IMG_0564Kulankan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh dhaqaale oo dhex mara labada dal, tabobarro dhinaca shaqaalaha ah oo ay Masar siin doonto Somaliland,  iyo sidii ay Masar deeqo waxbarasho u siin lahayd dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kale la is hogo-tusaaleeyey qaabka ay siyaasadda mandaqaddu tahay iyo arrimo kale oo door ah oo dhammaantood ku tacalluqa xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya.

Markii kulanku soo dhamaadayna waxa ka war bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo sheegay in kulankaasi si wacan la isugu afgartay, kuna soo dhamaaday jewi wanaagsan iyo is af-garad, waxaana uu ka mahad-celiyey socdaallo uu hore ugu tegay dalka Masar oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in booqashada safiirka iyo ku-xigeenkiisu marag ka tahay qoto-dheeraanta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya.

https://youtu.be/nbroXrnGc7k

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories