HomeFaahfaahin Ku Saabsan Xeerka Iskaashiga Maraykanka Iyo Somaliland Oo Madaxweyne Biden Saxeexay

Faahfaahin Ku Saabsan Xeerka Iskaashiga Maraykanka Iyo Somaliland Oo Madaxweyne Biden Saxeexay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Bide, ayaa saxeexay horraantii bishan xeerka ogolaanshiyaha difaaca qaranka Mareykanka, kaas oo diiradda saaraya ammaanka qaranka, isaga oo sidoo kale ka hadlaya taageerada Mareykanka ee tababaridda ciidamada dowladda Somaliland.

Xeerka Difaaca Qaranka Maraykanka oo Somaliland qayb ka noqotay, ka dib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanku meel-mariyeen, ayaa si gaar ah loogaga hadlay kaalinta Somaliland ku leedahay xeerkaasi iyo meelaha Qorshuhu yahay inay iskaga kaashadaan Somaliland iyo Maraykanku.

Safiirka Somaliland u fadhiya Washington DC, Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA siiyey waraysi arrintaa la xidhiiidha, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xeerkaasi iyo halka Somaliland ka soo gashay, maaddaama oo uu yahay “Xeerka Difaaca Maraykanka”

Ambassador Good, wuxuu sheegay in Somaliland ay xeerkaa door ku yeelatay, ka dib dedaal socday Muddo dheer, kaasi oo uu sii xoojiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo bishii March ee sannadkan dhamaanaya socdaal shaqo ku tagay Washington isla-markaana kulamo midho-dhal ah la yeeshay Guddiyada kala duwan ee labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ee qaabilsan samaynta Xeerka difaaca Qaranka Maraykanka.

Wuxuu sheegay in xeerkan uu abuurayo in Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan xidhiidh dhinaca difaaca ah, mid diblumaasiyadeed iyo mid dhinaca horumarinta ah, kuwaasi oo faa’iidooyin kala duwan u leh Somaliland.

Danjire Bashiir Goth waxa uu sheegay in xeerkani ku amrayo Wasaaraada Arrimaha Dibedda, Wasaarada Difaaca iyo hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) inay warbixinnno joogto ah u keenaan baarlamaanka Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka dhinaca amaanka, diblomaasiyada iyo horumarka.

Mar la weydiiyey maadama Madaxweynaha Maraykanku saxeexay Xeerka Difaaca, qaabka Somaliland ku soo gashay, waxa uu ku jawaabay,
“Dedaalo balaadhan oo xukuumadu samaysay, sidii booqashii wefdigii Madaxweyne Md. Muuse ku yimi Maraykanka, kulamo muiim ahna la yeeshay goleyaasha sharcidejinta iyo xukuumada ayaa abuuray in xildhibaano labada golle ay curiyaan xeerar xoojinaya iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland.”

Wakiilka Somaliland ayaa sheegay in xeerkani yahay mid labada xisbi ee Maraykanku wada taageereen, iyadoo bisha June ee sannadka Soo Socda Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Wasaarada Difaaca Maraykanka laga sugayo inay Baarlamaanka u soo gudbiyaan warbixinta Somaliland ee xoojinta xidhiidhka difaaca, diblomaasiyada iyo horumarinta.

Mar la weydiiyey Wakiil Good muhiimadda ugu jirta Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Waa guul u soo hoyatay Somaliland wax weyna ka taraysa hiigsigeeda aqoonsi caalami ah oo caalamka ay ka hesho,” sidaas ayuu yidhi Danjire Bashiir Goth.

SOMALILANDPOST

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories