HomeFaahfaahin Ka soo Baxday Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo...

Faahfaahin Ka soo Baxday Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador James Swan oo booqasho ku yimi dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahiyey arrimaha laaga hadlay kulanka.

blank“Waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

“Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay tahay dhinaca  dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha uu mid walba saluug badani nagaga jiro waxtarka caalamka,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

Dhinaciisa,  wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay, waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda  ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta maaliyadda.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories