Home“Faafinta Diinta Islaamka waxa lagu helayaa ducada Ilaahay iyo dhamaan makhluuqaadkiisa iyo...

“Faafinta Diinta Islaamka waxa lagu helayaa ducada Ilaahay iyo dhamaan makhluuqaadkiisa iyo oofinta ballankii Alle, hadii kale…” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sheekh Dirir Oo Si Adag uga Hadlay Dhaqanka Ku Cusub Hargeysa Ee Fashion-ka Ragga & DumarkaHargeysa- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa cadeeyey in qof kastoo diinta islaamka faafiya helayo ducada Ilaahay iyo dhamaan makhluuqaadkiisa, kuna baraarujiyey bulshada Islaamka   inay qaataan kaalintooda sidii ay u faafin lahaayeen Diinta Islaamka.

Khudbad uu salaaddii Jimcaha ee Shalay Sheekh Maxamed kaga hadlayey muhiimada faafinta diinta Islaamka ayuu ku bilaabay, “Dhamaanteen waxa inna wada sugaya kaalin loo baahan yahay inaynu buuxino, oo ah sidii dadka iyo bulshada loo gaadhsiin lahaa Diinta Islaamka, oo dadku ka wada qeybqaato, laakiin, sida wakhtigan taagan aan lagu hallayn keliya Culimadda, laakiin waajibkaasi yahay mid ummada oo dhan wada saaran, qof waliba intuu karayo ka qabto.

Wacdigu, qof kastoo doonaya inuu ku deydo Nebiga CSW wuu isu-taagayaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Wacdigu, qof kastoo doonaya inuu ku deydo Nebiga CSW wuu isu-taagayaa, siduu Ilaahay u faray Nebiga CSW aayada macnaheedu ahaa “Waxaan tidhaahdaa, Nebi Maxamedow CSW, jidkaa toosani waa dariiqa aan dadka ugu yeedhayo, anniga iyo intii I raacda,” markaa raacitaanka Nebiga CSW ayey ka mid tahay in qof walba siduu diinta u faafinayey u faafiyo, haduu doonayo ku deyashadiisa.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qof walba rag ama dumar, qof wax yar diinta ka yaqaana iyo qofka caalimka ah looga baahan yahay inuu kaalinta buuxiyo, waxaanu yidhi,

“Qof walba, rag iyo dumar, qof aqoon badan u leh diinta islaamka iyo qofkii wax yar ka yaqaana waxa looga baahan yahay inuu bulshada kale gaadhsiiyo, intuu garanayo.

Faa’iidooyin badan ayaa ku jira in qofku diinta islaamka faafiyo, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, oo ugu horeyso inaynu ku deyayno Nebi Maxamed CSW, waxaanu yidhi, isagoo ka hadlayey,

“Faa’iidooyin badan ayaa ku jira in qofku faafiyo diinta Islaamka, oo ugu horeyso inuu ku deydo Nebi Maxamed CSW, Raacitaanka nebiga CSW ayey ka mid tahay inaynaan xumaanta isku baahin ee wanaaga isku sheegno.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay faa’iidooyinka faafinta diinta islaamka ka mid tahay in qofkii hawshaa u istaaga mudan yahay inuu arrimahooda aduunyadana ku hogaamiyo, isagoo yidhi,

“Faa’iidooyinka faafinta Diinta Islaamka wax ka mid ah in qofka ugu yeedhay ummada Diinta Islaamka iyo wanaagu, mudan yahay inuu arrimahooda aduunyadana u hogaamiyo, sida Ilaahay aayad macnaheeda inoogu sheegay, “waxaan ka dhigay hogaamiyeyaal markii ay ummada diinta ugu yeedheen’ markaa qofka mudan inuu ummada hogaamiyo waa qofka ugu yeedhay Diinta Islaamka.

Faafinta diinta islaamka iyo waanada wanaagsan oo laga yaabo inuu qofka samaynaya culays iyo dhibaato kala kulmo, waxay ka mid tahay qeybaha  jihaadka ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Faa’iidooyinka faafinta Diinta Islaamka iyo waanada wanaagsan oo laga yaabo in qofku kala kulmo culays iyo dhibaato waxay ka mid tahay qeybaha jihaadka, oo mar dadka xunxun waxa lagaga hortagayaa qoriga, iyo ficilka, marka hadalka. Sida Ilaahay markuu ummada la hadlayey aayad macnaheeda ku sheegay, ‘Maaha ummada dhamaantood inay jihaadka u wada baxaan, waa in la helaan dadka qaar u diga, diinta gaadhsiiya, oo dareenkooda nooleeya,’ taasoo caddeyn u ah in faafinta diinta islaamku qeybaha jihaadka ka mid tahay.

Faa’iidooyinka faafinta Diinta islaamka wax aka mid ah innagoo oofinay ballankii Ilaahay ayuu sheegay Sheekh Dirir, isagoo yidhi,

“Faafinta diinta islaamka faa’iidooyinkeeda wax aka mid ah innagoo noqonayna dad oofiya ballankii Ilaahay, marka aynu Ilaahay iyo Diintiisa dadka ugu yeedhayno ee saxxayno. Sida Ilaahay aayad inoogu sheegay lagu canaananayo culimadii reer banu-israa’iil kuwii xumaa iyo kuwii dadka wanaaga ugu yeedhi waayey labadaba, ‘Culimadii iyo kuwii aqoonta diinta u lahaa maxay dadka dunuubta ay ku hadlayaan ugu diidi waayeen,” laakiin qofku cudur-daar ayuu helayaa, haduu dadka diinta ugu yeedho, laakiin ay maqli waayaan.

Ducadii Nebi Maxamed CSW ayeynu ku helaynaa marka aynu ummada ugu yeedho xaqa, diinta islaamkana gaadhsiino ayuu sheegay Sheekh Maxamed isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

“Nebi Maxamed CSW wuu u duceeyey dadka diinta islaamka gaadhsiiya ummada, khudbadiisii sannadkii tobnaad ee Xajka, “Alle ha nuuro, oo wejigiisa Jannada ha ku iftiimiyo, qofka iga maqlay hadal wanaagsan ee gaadhsiiya dadka aan maqlin,”

Faafinta diinta islaamka faa’iidooyinkeeda wax aka mid innaynu ku helayno salliga Ilaahay iyo makhluuqa uu abuuray oo dhan ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Salliga iyo ducada Ilaahay iyo makhluuqa uu abuuray dhamaantood ayeynu ku helaynaa, haddaynu faafino diinta islaamka, sida Nebi Maxamed CSW xadiis inoogu sheegay macnahiisu ahaa, “Ilaahay, malaa’igtiisa iyo makhluuqaadka oo dhan, xitaa, qudhaanjada godkeeda ku jirta, iyo kaluunka badan ee baddaha ku jira, waxay ku sallinayaan, una ducaynayaan qofka dadka khayrka baraya.” Maaha ka sharka, balaayada, isku dirka qabiilka, baraya, balse qofka kheyrka baraya. Marka ainaad ducadaa hesho waa guul weyn.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ummadu hadday faafin weydo diinta Islaamka halis u tahay Nacdasha Ilaahay oo haleesha, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

“Waxaynu kaga badbaadaynaa nacdasha Alle, haddaynu faafino diinta islaamka, sida Nebigu CSW xadiis inoogu sheegay macnahiisu ahaa, ‘Diinta Ilaahay sheegideeda iyo barashadeeda, waxii ka baxsan way nacdallan yihiin.

Dadka inaad diinta islaamka gaadhsiiso ayaa ka khayr badan duunyada iyo dadka aynu sida weyn u baadigoobno ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

“Innaynu Diinta Islaamka Faafino ayaa inooga kheyr badan ubadka iyo aduunyada aynu sida weyn u baadigoobno ee Ilaahay iyo aakhiro inna seejinaya, sida culimmo badan oo Sheekh Nawawi ka mid ahaa ugaga mashquuleen ubad iyo ooriyo, gaadhsiinta diinta islaamka ee ummada. Siduu nebigu CSW xadiis macnahiisa inoogu sheegay, ‘Qof keliya oo halowsanaa inuu sababtaada hanuunka Ilaahay u qaato,  gaadhsiintaada, ayaa kaaga wanaagsan geela cascas,”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories