HomeEU-da oo 2.5M Euro ugu Deeqay UNICEF oo ku caawinaysa Carruurta Nafaqa-darradu...

EU-da oo 2.5M Euro ugu Deeqay UNICEF oo ku caawinaysa Carruurta Nafaqa-darradu hayso ee Soomaalida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Midowga Yurub, ayaa Hay’adda UNICEF ku taageerey Laba Milyan iyo Badh Lacagta Yurub ah (€2.5 milyan) oo loogu talo-galay inay ku fuliso gargaar bani’aadamnimo si ay ugu bixiso waxqabadyadyo Nafaha lagu badbaadiyo oo dhinaca nafaqeynta, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ah oo la gaadhsiiyo Carruurta Soomaaliyeed.

Waxaa sidaa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed qoraal ah oo xalay ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Carruurta u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ku leedahay magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Himilo waxa uu u dhignaa sidan:-

res“Nafaqo-xumo ayaa weli halis ku haysa nolosha kumannaan carruur ah oo ku nool guud ahaan, Soomaaliya waxaana xaaladda uga sii darey adkaanshaha sida gargaarka bani’aadamnimada loo gaarsiinayo gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sida ay tilmaamayaan daraasadihii ugu dambeeyey ee nafaqada, waqti kasta waxaa jira 38,000 oo carruur nafaqo-xumo ba’ni ay hayso ah oo u baahan gargaar baxnaanin oo naftooda lagu badbaadiyo, iyada oo la rajaynayo in 150,000 xaaladood la arko sanadkan gudihiisa. Magaalada Buulo Burte ee bartamaha gobolka Hiiraan, shantii carruur ahba mid ayaa ay haysaa nafaqo-xumo aad u ba’an. Ilmaha ay hayso nafaqo-xumada ba’an, ayaa sagaal jeer dhimasho uga dhow ilmaha caafimaadka qaba.

Lacagtan ayaa la soo marinayaa Guddiga Gargaarka bani’aadamnimada iyo Waaxda Ilaalinta Madaniga ee Midowga Yurub (the European Commission’s Humanitarian Aid and Civil Protection department (ECHO). Carruurta Soomaaliya, ayaa ay dhibaatada ugu weyn ka soo gaadheysaa xaaladda deg-degga ah ee adag. Waxaa nalooga baahan yahay in carruurta ay naftoodu halista ku jirto aan waqtigii loo baahnaa la gaarno daaweyn, in aan hubinno in aaney ku dhicin cudurrada loo dhinto ee ay sababaan biyaha aan nadiifta ahayn iyo in qoysaska ugu nugul ay awoodaan in ay daboolaan baahida aasaasiga ah ee carruurtooda.” Sidaa ayuu yidhi Lars Oberhaus oo ah Madaxa Xafiiska ECHO ee Soomaaliya.

Maaliyadda uu bixinayo Midowga Yurub waxaa ay UNICEF ka caawin doontaa in ay gaadho Carruurta la silcaysa nafaqo-xumada ba’an iyada oo siineysa cuntada daaweynta ee u diyaarsan in hore laga cuno, taas oo ah mid ka sameysan Laws lagu darey Faytamiinno iyo Macaadin. Gargaarka waxaa la soo marin doonaa Xarumaha Barnaamijka Daaweynta Bukan-socodka, halkaasoo ay ku heli doonaan baadhitaanno caafimaad iyo tallaallo. Carruurta nafaqo-xumada ba’ani ay hayso oo ay u weheliyaan dhibaatooyin caafimaad, sida fuuq-bax ba’an iyo matag, ayaa la seexinayaa xarumaha baxnaaninta, halkaasoo ay ku heli doonaan daaweyn bukaan-jiif oo takhasusi ah  iyo daryeel daaweyn oo lagu siinayo caano wax lagu daaweeyo. Waqtigaan la joogo, UNICEF waxaa ay taageereysaa illaa 239 xarumaha OTP ah iyo toban iyo afar xarumaha Baxnaaninta ah oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya.”

Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, ayaa yidhi; “Maaliyaddan aan helney ayaa ah mid aad muhiim u ah oo innaga caawinaysa badbaadinta nafaha. In kasta oo dhinacyo badan ay wax ka hagaageen, haddana halista ah in carruurtu ay u dhintaan nafaqo-xumo ayaa weli ah mid aad u sarreysa qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Maaliyaddani ma aha oo keliya mid naga caawinaysa wax ka qabashada baahiyaha ugu deg-degsan, laakiin waxaa ay sidoo kale gacan ka geysanysaa hawsha UNICEF iyo tan la-hawlgalayasheeda ee aan ku dhiseyno adkeysiga qoysaska iyo bulshooyinka ugu nugul.” Waxay Hay’adda iyo Ururrada caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee la shaqeeyaa gargaarkan ka fulin doonaan gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha, Bariga Soomaaliya iyo Somaliland, sida qoraalka warkan lagu sheegay.

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories