HomeEthiopian Airlines oo War Cusub ka soo saartay Duulimaadyada Waddamo Somaliland ku...

Ethiopian Airlines oo War Cusub ka soo saartay Duulimaadyada Waddamo Somaliland ku jirto

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

blank

Addis Ababa (SLpost)- Diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa war cusub ka soo saartay liiska waddamada ay duulimaadyadooda joojiyeen iyo kuwa ay ilaa xilligan u furan tahay inay diyaaradahoodu ka shaqaynayaan ee aanay duullimaadyadoodu waxba iska beddelin ilaa xilligan.

Warka ay soo saartay diyaardda Ethiopian Airlines oo lagu baahiyey barta ay shirkaddu ku leedahay Internetka, ayaa lagu shaaciyey liiska dalalka caalamka ee xannibay duulimaadyada diyaaradda iyo dalalka ilaa xilligan ay madaarraddoodu furan yihiin, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka Somaliland, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti.

Dalalka Caalamka ayaa intooda badan la xidhay madaarada diyaaraduhu ka soo degaan sababo la xidhiidha cabsida laga qabo cudurka COVID-19 oo si xawli ah ugu fidaya caalamka, iyadoo tallaabadan loo qaaday sidii loo xakamayn lahaa faafitaanka cudurkan.

Waddamada Ethiopia, Somalia, Kenya iyo Djibouti oo ay xuduud wadaagaan ama ganacsi ka dhexeeyo Somaliland, ayaa dhammaantood laga helay kiisaska Caabuqa CoronaVirus ee dhaliya cudurka Covid-19 oo ku dhaca hab-dhiska Neef-mareenka Bani’aadamka.

Warka ka soo baxay shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay inay furan yihiin garoomada diyaaradaha ee Somaliland isla markaana duulimaadyadii caadiga ahaa ee Somaliland ay sidoodii yihiin marka laga reebo safarrada diyaaradaha ka imanaya waddamada Kenya, Soomaaliya, China, Italy, Iran, France, South Korea iyo Spain oo oo xayiraad laga saaray inay ka soo degaan madaarrada Somaliland muddo 28 Maalmood ah oo ka bilaabmaysa Maalinta Khamiista ee 19-ka bisha March, 2020-ka.

Ethiopian Airlines, waxa ay sheegtay in Hawada Sare ee Somaliland Furan tahay isla markaana ay shaqaynayaan Madaarrada dalku, balse ay xayiran yihiin duullimaayada diyaaaradaha ka imanaya dalalka kor ku xusan.

Waxa kale oo ay shirkaddu warkeeda ku sheegtay inay xidhan yihiin dhammaan madaarrada dalka Soomaaliya muddo 15 maalmood ah oo ka bilaabmaysa Khamiista Berri iyadoo la joojiyey dhammaan duullimaadyada diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka qaada.

Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Aafadda caabuqa CoronaVirus ee Somaliland, ayaa shalay soo saaray go’aamo lagaga hortagayo saamayn cudurkaasi ku yeesho bulshada, iyadoo la joojiyey duullimaadyada diyaaradaha ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida China, Italy Iran, France, South Korea, Spain, Kiiniya iyo Soomaaliya muddo Afar todobaad ah. Balse waxa go’aanka guddiga lagu xusay inay dulimaadyada ka imanaya waddamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku la socon doonto xaaladda rakaabka ka imanaya iyadoo rakaabkaas baadhitaan dhammays tiran loogu samayn doono marka ay ka soo degaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland.

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo ah shirkaddu ugu ballaadhan qaaradda Afrika xagga duulimaadyada ay isaga kala gooshto dalalka Caalamka, ayaa markii u horeysay duulimaadyada ka bilowday Somaliland sannadkii 2001-dii xilligaas oo diyaaraddu aanay bilaabin duulimaadyo tiro badan oo ay xilligan ugu duusho dalalka caalamka.

Qoraalka lagu baahiyey Bogga Internetka ee Ethiopian Airlines 

blank

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories