HomeEthiopian Airlines oo markii ugu horreysay Muddo Afar Sanno ah duulimaad ka...

Ethiopian Airlines oo markii ugu horreysay Muddo Afar Sanno ah duulimaad ka bilowday Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airline ayaa maanta si rasmi ah dib ugu bilawday duuliyaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, waxaana shalay galab dhabbaha diyaaradaha ee magaalada Berbera soo cagodhigatay diyaaraddii ugu horeysay muddo Afar sano ah.

Duulimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee Duulimaadyo si toos ah ay diyaaradaasi maalin walba Somaliland uga qaadayso rakaab, ayaa loo sameeyay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan Masuuliyiinta Shirkadda Itoobiyaan Airline ee xarunta Addis ababa oo Diyaaradda la socda, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/risaaq Khaliif Axmed, Safiir ku xigeenka Dawladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa,Madaxda Gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale.

blankWasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo xafladaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in diyaarada Ethiopia ay dib u bilowdo duulimaadyadii ay ku imanaysay Somaliland, waxaanu xusay in arrintani ka danbaysay dadaal xoogan oo xukuumadu u gashay soo celinta duulimaadyadii shirkadan.

Wasiirka Duulistu waxa uu intaas ku daray in imaanshaha shirkada diyaaradaha ee Ethiopia ay fududaynayso xidhiidhka ganacsi ee labada wadan ka dhexeeya.

“Waxay Diyaaradani ay dib u bilaabashada duulimaadyada diyaaradani ay ku timid iskaashi ay sameeyeen labada dawladood, waxaanu wax ka taraysaa xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dal,”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.

blankWasiirka Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane C/risaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in imaatinka diyaaradani uu ku soo beegmay xili ay dadka u dhashay Somaliland ee dibadaha ku nooli ay dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo isagoo iftiimiyay dhibaatadii ay rakaabku kala kulmi jireen markii ay meesha ka baxday Diyaarada Ethiopia Airline.

Safiir ku xigeenka Safaarada Ethiopia ee caasimada Hargaysa ayaa sheegay inay dawlad ahaan ku faraxsan yihiin dib u soo celinta duulimaadyadii shirkadoodu ay ku iman jirtay Somaliland oo mudo door ah hakad ku jirtay.
Waxaa kale oo xafladaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Safiirka Somaliland u fadhiya maraykanka.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Caasimada Somaliland ee Hargaysa hore ugu iman jirtay Duulimaadyo, hase yeeshee waxay joojisay ka dib qaraxyadii argagixiso ee ka dhacday Hargeysa 29-kii Bishii October 2008-dii. Dib-u-bilowga wakhtigan ee Duulimaadyadeeda Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay Heshiis cusub la gashay Xukuumadda Somaliland, waxaanay talaabadan cusubi Somaliland ka saaraysaa caqabado badan oo dadweynaha iyo Xukuumaddaba ka haystay dhinaca Socdaalka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories