HomeEthiopian Airlines oo Dib u bilowdday Duulimaayadeeda Hargeysa iyo Doorka Xukuumadda Somaliland

Ethiopian Airlines oo Dib u bilowdday Duulimaayadeeda Hargeysa iyo Doorka Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta soo cago-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Egal ee magaalada Hargeysa, kaddib markii ay hakisay duullimaad ay maalintii Khamiistii ku iman lahayd magaalada Hargeysa.

blankDiyaaradda Ethiopian Airlines iyo diyaarado kale oo soo fadhiisan jiray gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaan Khamiistii Dorraad soo caga-dhigan garoonka Hargeysa, iyadoo dowladda Soomaaliya sheegatay inay diyaaraduhu fuliyeen amar ay shaaciyeen todobaadkii hore, kaas oo salka ku haya ka-hortagga caabuqa Koronafayras.

Haseyeeshee, Ethiopian Airlines, ayaa hore u shaacisay inay joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay waddamo ay ku jirto Soomaaliya, balse ay sii wadi doonto duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Caabuqa CoronaVirus ayaa go’aamo ay soo saareen todobaadkii hore waxa ay ku shaaciyeen inay joojiyeen duullimaadyada diyaaradaha ka imanaya dalalka adduunka ee laga soo wariyey kiisaska Caabuqa Corona kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Soomaaliya, Italy, Iran, China iyo qaar kale.

Dalka Ethiopia oo laga soo wariyey Kiisaska KoronaFayras, ayaan ku jirin waddamada ay xukuumadda Somaliland xanibaadda saartay duulimaadyadooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa xilligan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas la sheegay inuu kulamo kula qaatay masuulyiinta dowladda Ethiopia iyo maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo uu kala hadlay hakadka ku yimi duulimaadyada diyaaradaha.

Diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa maalin kasta laba duulimaad ku timaadda Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo gelinkii hore ee maanta ay soo caga-dhigatay diyaaraddu, halka gelinka dambe ee maantana la filayo inay soo cago-dhigato diyaarad kale oo sidda rakaab.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories