HomeEthiopian Airlines Oo Afar Sanno Ka Dib Soo Cago Dhigatay Cigaal International...

Ethiopian Airlines Oo Afar Sanno Ka Dib Soo Cago Dhigatay Cigaal International Airport, Dib U Casriyayntiisana Xukuumadda Ku Bogaadisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa afar sanadood ka dib maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport, ka dib markii dayactir balaadhan lagu sameeyay dhabaha diyaaradduhu ka haadaan ama ka soo deggaan.

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, oo afar sanadood ka hor joojisay duulimaadyadii ay isaga gooshi jirtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Addis-Ababa, ayaa soo caga dhigashadeedii shalay ay bilow u noqonaysaa duulimaadyo rasmi ah oo ay shirkaddu ka bilowday Madaarka diyaaradaha Hargeysa.

Ethiopian Airlines, oo ka hor intii aanay duulimaadka ku iman garoonka Hargeysa soo dirtay khuburo hubin ku sameeya dayactirka iyo dhismaha lagu sameeyay dhabaha (Run-way) isla-markaana ku qancay hawsha laga qabtay Madaarka, ayaa markii ay soo caga dhigatay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, waxa soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo uu ugu horeeyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in diyaaradda Ethiopian Airlines ay si rasmi ah dib ugu bilowday duulimaadyadeedii Hargeysa iyo Addis-ababa, halka duuliyayaasha diyaaraddan oo ahayd diyaarad weyn oo ah nooca loo yaqaano (737-800 New Generation) ay saxaafadda u sheegeen inay la dhaceen shaqada laga qabtay dhabaha diyaaraduhu ka kacaan ama ka soo deggaan ee Madaarka Hargeysa.

QQ“Diyaaraddii Vocal 50, halkan ayaanu ku soo deggi jirnay, laakiin waxaanu ka joojinay afar sanadood ka hor, waayo wakhtigaa dhabbuhu  ma wanaagsanayn, laakiin imika waxaanu aragnay in dhabbuhu cusub yahay oo uu aad iyo aad uga wanaagsan yahay kii aanu ka tagnay (Run-way-gii hore)” sidaa waxa yidhi Kabtanka diyaaradda Ethiopian Airlines ee shalay soo caga dhigatay garoonka Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Dhabbahani aad ayuu u wanaagsan yahay, si fiican ayaanu ugu soo degnay, Dhabbooyinkuna sidan ayay u badan yihiin, waxaan idinku hambalyeynayaa Guushiina.”

Wasiir MXC (2)Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, oo soo dhaweeyay diyaaraddan Ethiopian Airlines oo safarkeedii ugu horeeyay ka soo qaaday Addis-ababa isla-markaana Hargeysa keentay, ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey ku muujiyey sida Wasaaraddiisa duulista, dawladda iyo shacabka reer Somaliland ugu faraxsan yihiin duulimaadyada diyaaradani ay Somaliland ka bilowday.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadlaya imaanshiyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa yidhi “Maanta (shalay) farxad weyn bay garoonkii caalamiga ahaa ee Cigaal oo ay markii ugu horeysay ka soo degtay diyaaraddii ugu weyn muddo 55 sanadood ah (737-800 New Generation), waa diyaarad casri ah, Air Dream-baa ka weyn diyaaradaha Itoobiya ka duula, waxay muujinaysaa horumarka laga sameeyay madaarkan ee xukuumadda Somaliland ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo gadh wadeenka ka yahay ku talaabsatay”

HAYEWasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay, “Markii aanu furnay Madaarka diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal, saddex maalmood ka dib, waxaanu bulshada u sheegnay inaanu ku jirno sidii aanu duulimaadyada u soo kala wareejin lahayn, barrina (Maanta) waxaanu ku rejo weyn nahay inay diyaaraddii DAALLO ay halkan timaado, shaqada halkan laga qabtayna waa shaqo weyn oo sidii loogu talogalay loo qabtay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ummaduhu way ku faanaan waxa wanaagsan ee u qabsooma, guulahana waxa la isugu qiraa, sida wixii xumaada la isugu dhaliilo, ma ahayn in la qariyo waxqabadka xukuumadda, indhaha caafimaadka qabaa way arkayaan, kuwa bukana waxaanu leenahay ILAAHAY shuushka ha ka qaado oo waxa wanaagsan ee aanu qabanay ha tuso, wixii dhaliila ee nala tusana waanu u maskax furan nahay, bani-aadamku wuu khaldamaaye, laakiin ragga qaarkood waxay ka dhigan yihiin in qoraxdaa muuqata la tuso inay qorax tahay, markaa waxaan leeyahay waa guul weyn oo qarankan u soo hoyatay”

Wasiir MXC (1)Wasiirka duulistu waxa kale oo uu sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay ku kalsoon yihiin madaarka Hargeysa “Haddii diyaaradda iyo duuliyuhu aanay hubin inay halkaa ka deggayso ama ka kacayso may soo direen” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey “Maalinta ay rakaab yar hayaan diyaarad yar ayay soo dirayaan, maalinta ay rakaab badan hayaana tan (Diyaaradda weyn) ayay soo dirayaan sidii ay madaarka Berbera-ba uga shaqeynaysay, diyaaradaha kalena waa sidaa si la mid ah DAALLO iyo JUBBA oo kale, xukuumad ahaana waxaanu doonaynaa in Run-way-ga aanu qayb kale ku darno si diyaaradaha caalamka maro oo dhami ay u iman karaan, taa iyo laydhkiina inaanu muddo aan bilo ka badnayn inaanu ku dhamaynno ayaa noo qorshaysan.”

Dhanka kale, madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal, ayaa tan iyo markii dib loo furay mashquulkiisu aad u batay, waxaana maalin kasta ka dhoofa boqollaal dadwayne ah, kuwaasi oo adeegsada noocyada diyaaradaha isticmaala Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories