HomeEthiopia: Xoogagga TPLF oo Xabbad-joojin oggolaaday

Ethiopia: Xoogagga TPLF oo Xabbad-joojin oggolaaday

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Addis Ababa (SLpost)- Jabhadda TFPL ee dhawaan la wareegtay gacan-ku-haynta magaalada Mekelle, ayaa ogolaatay xabbad-joojin iyo heshiis laga gaadho xurgufta ka taagan gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

Taliyaha hoggaaminaya xooggaga Tigray Jeneraal Tsadkan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaadho colaadda ka taagan gobolka Tigray ee u dhaxaysa Milatariga Federaalka Ethiopia iyo Jabhaddiisa.

blank
Mekelle, Capital of Tigray Region

Jeneraal Gebretensae oo u warramay Wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ku guul-darraysatay dagaalka gobolka Tigray, sidaas awgeedna la joogo xilligii ay labada dhinac yeelan lahaayeen wada-xaajood lagu gaadho xabbad-joojin loo dhan yahay.

“Waxaanu isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaadho mushkiladda jirta. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamku ay fahamto xaaladda taagan,” Sidaas ayuu yidhi Jeneraal Gebretensae.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameynaynaa waa in aan arrinta ku wajahno cudud milateri”.

Raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo Isniintii shalay khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka, ayaa sheegay inaan Ciidamadiisa lagaga adkaanin dagaalka Tigray, balse ay Wiiqeen awoodda Milatari ee TPLF.

Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu sheegay in ka-bixitaankii ciidamadiisa ee magaalada Mekelle uu ahaa qorshe tashi badan la geliyey oo wakhti hore la gaadhay.

Jabhadda TPLF ayaa hore ugu gacan-sadhay xabbad-joojin ay ku dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa kaddib markii ay Milatariga Federaalku ka baxeen magaalada Mekelle maalmo ka hor intii aanay Jabhaddu la wareegin gacan-ku-haynta caasimadda gobolka Tigray.

Jeneraalka hoggaaminaya xoogagga TPLF, ayaa ku eedeeyey xukuumadda raysalwasaare Abiy inaanay oggolayn in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku baracay gobolka Tigray, balse dowladda ayaa beenisay eedayntaas.

Waxa maalmihii u dambeeyey isa soo tarayey Cadaadisyo caalami ah oo la saaray labada dhinac, kuwaas oo ku baaqaya inay fududeeyaan sidii gargaar bani’aadanimo loo gaadhsiin lahaa boqolaal kun oo ku barakacay gobolka Tigray. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaalad macluul ahi ka jirto inta badan deegaannada gobolka Tigray.

Jabhadda TPLF ayaa Axaddii dorraad sheegtay inaanay aqbalaynin xabbad-joojin ilaa gobolka Tigray laga saarayo ciidamada Eritrea iyo kuwa ismaamulka Amxaarada oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin gudaha ismaamulka Tigray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories