HomeEthiopia: Tirada Dadka laga helay Cudurka COVID-19 oo Korodhay iyo 10 Kiis...

Ethiopia: Tirada Dadka laga helay Cudurka COVID-19 oo Korodhay iyo 10 Kiis oo maanta la Xaqiijiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Tirada Dadka la xaqiijiyey inay qabaan Cudurka Covid-19 ee dalka Ethiopia, ayaa kor u dhaaftay 100 Qof, kaddib markii maanta la shaaciyey 10 qof oo  caabuqa Coronavirus laga helay.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka ee Ethiopia, Lia Tadesse, ayaa shaacisay in tirada guud ee ilaa immika la xaqiijiyey inay qabaan cudurka Covid-19 gudaha dalkaas tahay 105. Wasiirku waxa ay sheegtay in baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyey 659 qof 24-kii saac ee u dambeeyey ay ka soo baxday 9 qof oo laga helay safmarka Coronavirus, taas oo tirada guud ka dhigaysa 105 qof.

blankSida aanu ka soo xigannay Wargeyska Ethiopian Observer oo soo dheeganaya xogta ay  Wasiirka Caafimaadku shaacisay, Tobanka qof ee cudurka laga helay ayaa u dhashay dalka Ethiopia, marka reebo Hal qof oo u dhashay dalka Equatorial Guinea, waxaanay isugu jireen lix rag ah iyo Saddex Dumar ah. Warku waxa uu intaas ku daray in saddex ka mid ah dadkan oo laba dhalinyaro yihiin dhawaan laga soo mastaafuriyey dalka Jabuuti oo tirada dadka cudurka laga helay kor u dhaaftay 700 qof.

Sida ay barteeda Twitter ku shaacisay wasiirka Caafimaadka Ethiopia, Dadka cudurka laga helay, ayaa lagu xereeyey oo xaaladdooda caafimaad lagu baxnaaninayaa Jaamacadda magaalada Diridhaba oo loo beddelay goob lagu karantiimeeyo Dadka laga helo Caabuqa Coronavirus.

blank
Wasiirka Caafimaadka Ethiopia

Marka laga reebo 9-ka qof ee maanta la shaaciyey, Jimcihii shalay waxa ay dowladda Ethiopia shaacisay Afar Qof oo Xannuunka laga helay, halka Khamiistii Dorraad la shaaciyey Toddobo qof oo ay ku jirto Gabadh yar oo 14 jir ah oo la sheegay inaanay dalka dibaddiisa uga bixin.

Ilaa immika lama hayo tirada rasmiga ah ee dadka Xannuunkani haleelay gudaha dalka Ethiopia sababo la xidhiidha baadhitaannada Caafimaad ee dowladdu samaysay oo aad uga yar marka loo eego Tirada guud ee shacabka dalkaas oo kor u dhaafaysa 100 Milyan oo Qof. Wasiirka Caafimaadka dalka Ethiopia ayaa shaacisay inay ilaa immika sameeyeen 6,890 baadhitaan dhammaan gobollada dalkaas, iyadoo dadka baadhitaanka caafimaad lagu sameeyey u badan yihiin Qurbejoog ka soo laabatay dalka dibaddiisa.

Khubarada Caafimaadka ayaa aaminsan in tirada dadka qaba Cudurka Covid-19 dalka Ethiopia ka badan tahay inta la ogyahay, iyagoo taas ku sababeeyey tirada shaybaadhada ee Xannuunkani yihiin Siddeed Mishiin. Haseyeeshee, sida ay shaacisay wasiirka Caafimaadka dalkaasi, waxa magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dhowr magaalo oo kale laga bilaabay olole Guri-guri loogu booqanayo si baadhitaan loogu sameeyo dadka looga shakisan yahay inuu xannuunku hayo.

Gudaha Dalka Ethiopia oo qofkii ugu horreeyey ee xannuunkani ku dhaco la xaqiijiyey 13-kii Bisha March ee sannadkan, waxa cudurka Covid-19 ugu geeriyooday 3 Qof, halka 16-qof oo kale ka caafimaadeen.

Dhinaca kale, waddanka Jabuuti ayaa Jimcihii shalay shaaciyey 141 qof oo laga helay cudurka Covid-19 taas oo tirada guud ee dadka laga helay caabuqa Coronavirus ka dhigaysa 732 qof, waxaanu noqonayaa waddanka ugu kiisaska badan Bariga qaaradda Afrika.

Dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa labadooduba xuduud la leh Somaliland balse inkasta oo la xidhay xuduudka labadaas waddan, haddana waxa wali sii socda isu socodka badeecadaha uu ka mid yahay Qaadka oo dhinaca Ethiopia looga soo waarido Somaliland.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories