HomeEthiopia oo Xaalad Deg-deg ah iclaamisay iyo Xoogagga Tigray-ga oo Guulo hor...

Ethiopia oo Xaalad Deg-deg ah iclaamisay iyo Xoogagga Tigray-ga oo Guulo hor leh gaadhay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia ayaa Salaasada maanta shaaca ka qaadday xaalad deg-deg ah oo dalkaasi geli doono muddo lix bilood ah kaddib markii xoogagga Tigray-gu sheegeen inay la wareegeen deegaamo cusub isla markaana ay ku waajahan yihiin caasimadda Addis Ababa.

Shaacinta warkan ayaa ku soo beegantay laba maalmood kaddib markii uu Raysal-wasaare Abiy Axmed uu Shacabka ugu baaqay inay hubka qaataan oo nafahooda ka difaacaan xoogagga TPLF.

blankGelinkii hore ee Salaasada maanta, maamulka magaalada Addis Ababa ayaa shacabka u sheegay inay diiwaangeliyaan hubkooda una diyaar-garoobaan inay difaacaan magaaladooda.

Xaaladda deg-degga ah oo la dhaqan-geliyey isla markii ay xoogagga TPLF sheegteen inay qabsadeen dhowr magaalo isla markaana ay ku wejahan yihiin magaalada Addis Ababa oo masaafo ahaan 380km dhinaca Koonfureed ka xigta Fadhiisimada xoogagga TPLF.

“Waddankaygu wuxuu wejahayaa xaalad khatar ku ah jiritaankiisa, madax-bannaanidii iyo midnimadiisa. Mana awoodno inaanu Khatartan kaga hortagno annagoo u marayna dhaqan-gelinta nidaamyada sharci ee jira,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Ethiopia Gedion Timothewos oo u warramay warbaahinta dowladda.

Waxa uu sheegay in qof kasta oo ku xad-gudba xaaladda deg-degga ah laga qaadi doono tallaabo sharci isla markaana uu waajihi doono 10 sanno ee xabsi ah haddii lagu helo inuu kooxda TPLF u fidiyo taageero dhaqaale, mid agab iyo mid maskaxeedba

Dowladda Ethiopia ayaa xaaladdan deg-degga ah oo kale soo rogtay sannadkii 2018-kii muddo lix bilood ah wakhti yar ka hor intii aanu xukunka dalka la wareegin raysal-wasaare Abiy Axmed. Waxa guud ahaan dalkaas laga dhaqan-galiyey bandoo iyo dhaq-dhaqaaqa dadka oo la xaddiday, waxaanay taasi sababtay in kumanaan qof xabsiga loo taxaabo.

Dhinaca kale, Afar ka mid ah dowlad-goboleedyada 10 Ismaamul ee Dalka Ethiopia ka kooban yahay, ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay la dagaalamaan xoogagga Tigray-ga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee FANA.

Afhayeenka Jabhadda TPLF Getachew Reda oo khadka telefonka Satelite-ka kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in xoogagga Tigray la wareegeen magaalada Kombolcha iyo Madaarka diyaaradaha, taas oo ku taalla Koonfurta gobolka Amxaarada.

Jabhadda OLA oo xulafo la ah TPLF, aya sheegtay inay qabsadeen magaalada Kemis oo 53km dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Kombolcha, waxaana labada magaalo mara jidka laamiga ah ee isku xidha Addis Ababa iyo Djibouti.

Muddo sannad ah ayaa laga joogaa markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka iyo TPLF oo muddo 30 sanno gacanta ku hayay siyaasadda dalka Ethiopia, ka hor intii aanu xukunka laga wareegin Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Kursiga fuulay sannadkii 2018-kii.  Kumanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka, waxaanu barakiciyey in ka badan laba Milyan oo guryahooga ka qaxay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories