HomeEthiopia oo shaacisay inay Xoojinayso Isticmaalka Dekedaha Gobolka oo ta Berbera qayb...

Ethiopia oo shaacisay inay Xoojinayso Isticmaalka Dekedaha Gobolka oo ta Berbera qayb ka tahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay kordhinayso Tirada Dekedaha ay Isticmaasho, maaddaama oo Itoobiya tahay dal dhul ahaan ballaadhan oo aan lahayn Deked.

Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makonan Abarra ayaa sheegay inay Dawlad ahaan heshiis isticmaalka Dekedaha kula jiraan Suudaan, Jabuuti iyo Somaliland, balse ay aanay Dekedahaasi ku filayn, sidaasi darteed ay qorsheeyeen inay isticmaalaan Dekedaha dalalka Kenya iyo Eriteriya, iyadoo laga duulayo sidii loo yarayn lahaa kharashaadka Itoobiya kaga baxa Rarka Alaabooyinka uga soo dega Dekedaha dalalka la deriska ah ee Somaliland ka mid tahay.

“Maaddaama oo dalkeenu ballaadhan yahay waxa muhiim ah in la adeegsado Dekedo badan oo wax lagala soo dego, waxaana la daraaseynayaa dhinacyada ugu habboon ee laga hirgelin karo Dekeddahaasi, Tusaale ahaan dhinaca galbeed, Koonfurtana tee ku habboon, sidoo kale badhtamaha Dalka iyo bariga tee ku habboon, markaynu sidaa leeyahay waxa laga duulayaa Mastaafada (Gaadiidka) Koontiinnarada sida, mid kasta goobtee laga soo gelin karaa, markaana waxa la xadidayaa kharashaadkii ku bixi jiray dib u rarka.” Ayuu yidhi, Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makona Abara, waxaanu intaa ku daray “Illaa hadda Dekedaha aanu heshiiska la saxeexanay waxa ka mid ah ta Dalka Jabuuti, Suudaan iyo Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana imika ayaa la qorshaynayaa, waxaanu qorshaynay inaanu ka faa’idaysano Dekedaha dalalka Deriska ah, iyadoo laga duulayo meel kasta goobta ku habboon ee alaabta laga soo gelin karo iyo alaabooyinka dalkeenu dhoofiyo goobta ugu habboon ee laga dhoofin karo..”

Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in Adeegsiga hal Deked uu meesha ka saarayo Tartanka ka faa’idaysiga Dekedaha, hase-ahaatee adeegsiga Dekedaha badani uu abuurayo tartan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories