HomeEthiopia Oo Ku Gacan-saydhay Qorshe Ka Dhan ah Heshiiska Somaliland Oo Loo...

Ethiopia Oo Ku Gacan-saydhay Qorshe Ka Dhan ah Heshiiska Somaliland Oo Loo Soo Bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya oo adeegsanaya waddamo shisheeye, ayaa toddobaadkan qaadday tallaabo ay kaga hortagayso heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Ilo-wareedyo dublomaasiyeed oo warbaahinta Ethiopia soo xigatay, ayaa sheegay in Xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh ay Dowladda Ethiopia ugu deeqday deked bilaash ah oo ay u isticmaali karto ganacsi ahaan iyo military ahaanba.

Warkan oo aanu ka soo xigannay warbaahinta Ethiopia, waxa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa waddan saddexaad oo magaciisa la qariyey, ay taas beddelkeeda Xukuumadda Addis Ababa ka dalbatay inay ka laabato Aqoonsiga Somaliland.

Warku wuxuu intaas ku daray in dalabkaasi u cuntami waayey masuuliyiinta Dowladda Ethiopia ee arrintan lagala hadlay, kuwaas oo la sheegay inay isla markiiba hordhigeen mowqifka dowladdooda ee heshiiska Somaliland oo ay ku tilmaameen lama-taabtaan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ololeyaal fashilmay oo Dowladda Soomaaliya ku qaadday heshiiska isfaham ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore ugu yaboohday inay dowldda Ethiopia u oggol yihiin dhowr dekedood haddii ay ka laabtaan heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland, haseyeshee tallaabadan u dambaysay ayaa bannaanka keentay guul-darrooyin dublomaasiyeed ee Dowladda Xasan Sheekh soo gaadhay tan horaanta bishii January ee Sannadkan Oo madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia ay heshiiskan wada-jir ugu saxeexeen Magaalada Addis Ababa.

Heshiiska ayaa Ethiopia u suurtagalinaya inay ciidamadeeda baddu xeebaha Somaliland ka helaan saldhig Milatari oo kiro ah, taas beddelkeedana ay Ethiopia noqoto waddanka ugu horeeya ee Aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.

Dowladda Somaliya oo ka jawaabaysa isfahamka labada dowladood, waxa ay dhawaan heshiisyo ganacsi iyo difaac isugu jira la gashay Dowladda Turkiga oo lagu wareejiyey ku-tagri-falka iyo ka faa’idaysiga kheyraadka badda ee Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories