HomeEthiopia oo ku gacan-saydhay Dhalleecayn Maraykanku ugu jeediyey inay Xasuuq Isir-sifayn ka...

Ethiopia oo ku gacan-saydhay Dhalleecayn Maraykanku ugu jeediyey inay Xasuuq Isir-sifayn ka gaysatay Tigray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia ayaa ku gacan-saydhay dhalleecayn Maraykanku ugu jeediyey inay ciidamadeedu xasuuq ba’an ka geysteen gobolka Tigray.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimah Ethiopia Sabtida maanta, ayay xukuumadda Raysal-wasaare Abiy isaga difaacday eedaymo ku aaddan hawl-gallada Milatarigoodu ka fuliyeen gobolka Tigray oo muddooyinkii u dambeeyey uga imanayey maamulka madaxweyne Joe Biden.

blankXoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku baaqay in ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ee ku sugan gobolka Tigray lagu beddelo ciidamo ilaalin kara xuquuqda bani’aadamka isla markaana aan ay ka reebban tahay inay xasuuq geystaan.

“Waa eedaymo aan xaqiiqda ku fadhiyin oo meel ka dhac ku ah dowladda Ethiopia,” sidaas waxa lagu war-murtiyeed Sabtida maanta ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Waxa kale oo lagu yidhi, “Intii lagu gudo-jiray iyo intii ka dambaysay hawl-galkii xoojinta Sharciga ee gobolka Tigray, heerka ay doontee ha noqotee, midkoodna looma aqoonsan karo ama fasiran karo inay ahaayeen hawl-gallo cid gaar ah lagu bartilaameedsaday ama si ku-talo-gal ah loogu xasuuqay qoomiyad gaar ah.”

“Dowladda Ethiopia si xooggan ayay uga soo horjeeddaa eedaymahan,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Ciidammada Federaalka ee Ethiopia ayaa bishii November adkaaday maamulkii iyo ciidamadii xisbiga TPLF ee gacanta ku hayey gobolka Tigray, kaddib markii dowladdu ku eedaysay in la weeraray saldhig ciidammada Federaalku ku leeyihiin gobolkaas.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, boqolaal kun oo kalena way ku barakaceen, waxaana la soo wariyey inay xaalad bani’aadamnimo oo cunto yaraan iyo daawo la’aan ahi ka jiraan gobolka Tigray oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay in ka badan 5 milyan qof.

Dowladda Ethiopia waxa ay sheegtay inay joogsadeen dagaallada intoodii badnayn, balse waxa ay qirtay inay jiraan dagaallo googoos ah oo ka jira gobolka Tigray.

Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa tiraba dhowr jeer beeniyey inay ciidammo ka socda Eritrea ku sugan yihiin ama ka dagaal-galeen gudaha gobolka Tigray, in kasta oo jiritaanka warkan ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah iyo dibloomaasiyiin ku sugan labada waddan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories