HomeEthiopia oo ka hadashay Wada-shaqayn iyo Iskaashi u dhexeeya Somaliland

Ethiopia oo ka hadashay Wada-shaqayn iyo Iskaashi u dhexeeya Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa shaaca ka qaadday inay Dowladda Somaliland iska kaashanayaan hawl-gallo lagula dagaalamayo Ayaxa oo faro-baas ku haya Beeraha iyo dhul-daaqsimeedka deegaamo ka tirsan labada waddan.

Wasaaradda Beeraha dowladda Federaalak ee Ethiopia, ayaa ku dhawaaqday inay bilawday wadashaqeyn ay Somaliland isaga kaashanayana xakamaynta Ayaxa oo si weyn u sameeyey gobolka Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Ethiopian Herald oo warka arrintan ku saabsan caddadkiisii maanta ku soo baxay, Wasaaradda Beeraha Ethiopia waxa ay shaacisay in guulo wax-ku-ool ah laga gaadhay dedaallo wada-jir ah oo labada dowladood sameeyeen dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana Ayaxa laga tirtiray guud ahaan gobollada Ethiopia marka marka laga reebo gobolka Ismaamulka Soomaalida.

Sida warkan lagu sheegay, waxa ay wasaaraddu tilmaantay in sababta ugu weyn ee ay u xakamayn kari waayeen Ayaxa ku habsaday gobolka Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ugu wacan tahay Qulqulka Ayax tiro badan oo uga gudbay dhinaca Xuduudka Somaliland.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Beeraha oo u warramay Wargeyska The Ethiopian Herald in Wasaaraddu ay arrintan wada-shaqeyn kala leedahay waddano dhowr ah, isla markaana ay xoojiyeen wada-shaqaynta hay’adaha Caalamiga.

Waxa uu sheegay in Wasaaraddu adeegsatay tikniyoolajiyad casri ah oo ay weheliyaan 12 diyaaradood oo nooca Qumaatiga u kaca ah, iyadoo hawsha loo xil-saaray khubaro Ajaanib ah iyo kuwo dalkaas u dhashayba si Ayaxa looga cidhib-tiro gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo ay wejigii hore ee hawl-galka ay ku fashilmeen inay xakameeyaan, ka hor intii aanay heshiis iskaashi la saxeexan Somaliland.

Waxa uu ku dooday in qulqulka Ayaxa oo si joogto ah uga gudbaya dhinaca Somaliland ay sababtay inay ku adkaato Xakamaynta Ayaxa, balse immika ay wasaaraddu la xidhiidh iskaashi la bilowday Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu sarkaalkani u sheegay Wargeyska in Wasaaradda Beeraha Ethiopia bilowday baadhitaanno ay ugu kuur-galayaan baaxadda khasaaraha uu sababay duullaanka Ayaxa ku habsaday dhul-beereedyada si loo caawiyo dadka beeralayda ah ee khasaaruhu ka soo gaadhay dalaggooda.

Ayax tiro badan oo ku habsaday deegaamo ka tirsan gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland, ayaa la sheegay inuu horaantii sannadkan ka soo tallaabay biyaha Gacanka Cadmeed, isagoo ka soo hayaamay dalka Yemen oo uu markii hore kaga yimi dhinaca Dalalka Iiraan iyo Pakistan, sida lagu sheegay war-bixin ay soo saartay hay’adda cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland oo kaashanaysa hay’adda FAO, ayaa deegaamo ka tirsan Gobollada Awdal, Sanaag, Saaxil iyo Oodweyne ka fulisay hawl-gallo kicinayo Ayax ku habsaday Dhul-beereedyo iyo Dhul-daaqsimeed ku yaalla gobolladaas, iyadoo la adeegsadayo diyaaradaha Helicopter-ka oo ku gaashaaman Sunta Ayaxa lagula dagaalamo oo lagu buufiyey deegaamada Ayaxu ku habsaday.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories