HomeEthiopia: Khasaaraha ka dhashay Isku-dhacyo Dhexmaray Qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada

Ethiopia: Khasaaraha ka dhashay Isku-dhacyo Dhexmaray Qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Addis Ababa (SLpost)- Dad tiradooda lagu sheegay wax ka badan 100 ruux ayaa lagu laayay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya.

Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo Ciidanka Xoreynta Oromada.

blankDhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka.

Xafiiska Abiy ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”.

“Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.
Tirada rasmiga ah ee dadka la laayay lama xaqiijin karo, hase yeeshee dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay kor u dhaafayaan boqol qof.

Dowlad goboleedka Oromada ayaa maanta soo saartay bayaan ay falkaas dhacay galinkii dambe ee Axadda ugu qeexayso “ficil argagixiso”.

Afhayeen u hadlay maamulka Oromia, oo lagu magacaabo Getachew Balcha, ayaa BBC-da u sheegay in weerarradaas ay ka dambeeyeen dad jabhad ah oo ka goostay garabka hubeysan ee xisbiga mucaaradka Oromada.

Koox xaqiiqo raadin ah ayaa loo diray degmada Guliso – oo ah goobta ay dilalka ka dhaceen – si ay usoo qiimeeyaan inta ay dhibaatada dhacday gaadhsiisan tahay.

Laakiin tirada dhimashada ayaa laga yaabaa inay inta la qiyaasayo ka badan tahay, sida uu sheegay Getachew.

Warbaahinta dowladda ee luuqadda Amxaarada – oo ah tan labaad ee ugu caansan dalka Itoobiya – ayaa soo tabisay in dadka falkaas geystay ay 200 oo ruux meel isugu geeyeen, ka hor inta uusan weerarka dhicin.

Tobannaan guri ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay, sida lagu soo warramay.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, dad badan oo rayid ah ayaa lagu dilay qalalaase qowmiyado ku saleysnaa oo ka dhacay dalka Itoobiya.
Xiisado ayaa billowday markii dib u dhigis lagu sameeyay doorashadii la filayay, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee corona.

Mudaharaadyo ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo qeybo kale oo ka mid ah waddankaas ayaa lagu muujinayay carada laga qaaday go’aanka dowladda loogu oggolaaday inay xilka sii haysato waqti aan loo cayimin.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Tigray-ga ayaa cadaadiska ugu adag saaraya Ra’iisul Wasaaraha kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Raysalwasaare Abiy ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromada oo ah ta ugu tirada badan dalkaasi.

Raysalwasaaraha oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya.

Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Bariga Dhexe.

 

@BBCsomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories