HomeEthiopia: Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka oo Bayaan ka soo saaray Muranka...

Ethiopia: Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka oo Bayaan ka soo saaray Muranka Biyaha Webiga Nile-ka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Addis Ababa (SLpost)- Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya oo marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaahdo EIASC, ayaa Khamiista maanta bayaan ka soo saaray khilaafka ka taagan Biyaha Webiga Nile-ka oo muranka ugu weyni ka dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar.

Goluhu waxa uu ku baaqay in si nabad ah loo xalliyo arrinta wadaagga Webiga Niilka oo boqolkiiba 80% (Blue Nile) ayay biyihiisu ka taagaan Harada TANA oo ku taalla dalka Ethiopia, kaas oo muranka wadaaggiisu ka dhexeeyo dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo webigu isaga gudbo. Boqolkiiba 20-ka kale ee Biyaha Webiga Niilka (White Nile), ayaa ka taga Harada Victoria ee ku taalla badhtamaha dalalka Kenya, Uganda iyo Brundi.

Muranka u dhexeeya saddexdan dal ayaa salka ku haya Mashruuca dhismaha Biyo Xidheenka Ethiopia ee Grand Renaissance Dam oo ay ku baxayso $5 bilyan oo Doolar.

blankBishii February ee la soo dhaafey, wada-hadallo saddex geesood ah oo Maraykanku marti-geliyey oo u dhexeeyey Itoobiya, Masar, iyo Suudaan ayaa la joojiyay kaddib markii Itoobiya ka baxday, eedana u jeedisay waaxda maaliyadda Maraykanka oo ay ku eedaysay inay garab istaagtay Masar halkii ay dhexdhexaadin ka sameyn lahayd.

Xiisadaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Masar ay bilawday olole diblomaasiyeed oo aad u weyn, iyadoo xataa ku hanjabtay inay adeegsanayso awood milatari oo ka dhan ah Itoobiya..

Mufti Hajji Omar Idiris oo ay wehelinayaan culimada kale ee Diinta ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku yidhaahdeen, “Ethiopia wali may isticmaalin biyaha Webiga Niil, mana aha inay wax-yeelayso markay bilaabaan adeegsiga biyaha.”

Sida ay qortay wakaaladda Wararka Anadolu ee dalka Tukriga, Hajji Omar oo ah nin si weyn looga qaddariyo dalka Itoobiyam ayaa sheegay in dalkiisu aanu u diidi doonin biyaha Suudaan iyo Masar inay la wadaagaan. “Itoobiyaanku waxay isku dayayaan inay u adeegsadaan biyaha Abbay (Blue Nile) si macquul ah,” ayuu yidhi sheekhu.

Dalka Ethiopia oo ah waddan ay ku noolyihiin in ka badan 110 milyan ayaa ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Africa marka laga yimaado dalka Nigeria. Shacabka dalka Ethiopia, ayaa 35% Muslim ah, taas oo ka dhigaysa dalka ugu Muslimiinta badan ee waddamada ka hooseeya Saxaaraha ee Qararadda Afrika.

“Masar waa in aanay ku dhaganaanin mawqifkeeda isticmaalka biyaha Niil oo keliya,” ayuu yidhi. Cumar wuxuu sheegay inay u eg tahay uun hadal heersare ah, oo aan taageerin Shareecada.

“Dadka Itoobiya waxay leeyihiin xuquuq bini aadam, mid diineed, mid sharciyeed iyo mid dabiici ah oo ay kaga faa’iideystaan ​​kuna hormariyaan kheyraadkooda dabiiciga ah ee uu Eebbe siiyay,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay Golaha Muslimiinta ee dalka Ethiopia ee EIASC.

blankBayaanka ayaa lagaga codsaday dowladaha Masar iyo Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha diinta, ha noqdaan Muslimiin ama Masiixiyiine, in ay sameeyaan dadaallo dib loogu soo nooleynayo wada-hadalladii u dhexeeyay saddexda dal si loo helo xal nabadeed oo ku saabsan in si caddaalad ah oo dhinac waliba ku qanacsan yahay loo wadaago Biyaha Webiga Niilka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories