HomeEthiopia: Gobolka Ismaamulka Oromada oo laga helay Kiisas Cusub oo CoronaVirus ah...

Ethiopia: Gobolka Ismaamulka Oromada oo laga helay Kiisas Cusub oo CoronaVirus ah iyo Tirada oo sii Kordhaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Tirada dadka laga helay Caabuqa Coronavirus ee dalka Ethiopia, ayaa korodhay kaddib markii warbixin wasaaradda caafimaadka dalkaasi maanta soo saartay ku sheegtay in saddex qof oo kale laga helay cudurka Covid-19.

blank
Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

Sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Ethiopia, saddexda qof ayaa dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay dalka Ethiopia kuwaas oo ku nool magaalada Adama ee gobolka Ismaamulka Oromada.

Saddexda Kiis ee maanta la shaaciyey, ayaa tirada guud ee dadka Caabuqan laga helay dalka Ethiopia ka dhigaysa 19 Qof inta la xaqiijiyey.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta FANA oo soo xiganaysa warbixinta wasaaradda caafimaadka, saddexda qof ayaa kala ah haweenay 28-jir ah oo intii u dhaxaysay 17-ka iyo 19-ka March socdaal ku tagtay dalalka Belgium iyo Cameroon. Labada qof ee kale Isku qoys ah ayaa kala ah wiil 14-jir ah iyo haweenay 48 jir ah oo ku nool magaalada Adama (Nazareth) ee caasimadda Ismaamulka Oromada, kuwaas oo la sheegay in labadooduba xidhiidh la leeyihiin haweenayda hore.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Ethiopia, waxa kale oo ay sheegtay in hal qof oo ka mid ah 16-ka kiis ee hore loo shaaciyey uu ka soo kabanayo cudurka Covid-19.

Marka laga yimaaddo dalka Ethiopia guud ahaan, Ismaamulka Oromia, ayaa ah gobolka u badan ee xidhiidhka ganacsi la wadaaga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana laga soo waaridaa maandooriyaha Qaadka iyo Khudaarta kala duwan oo ka baxda gobolkaas.

Guud ahaan caalamka inta la xaqiijiyey, waxa caabuqa CoronaVirus laga helay 670,000 qof, halka tiro ka badan 31,000 qof u dhinteen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka.

Dalka Talyaaniga, ayaa ah waddanka ugu badan ee cudurkani faraha baas ku hayo iyadoo tirada dadka u dhintay lagu sheegay inta ka badan 10,000 qof, waxa kaalinta labaad ku jira dalka Spain oo tirada dhimashadu kor u dhaaftay 6,000 qof.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net
Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories