HomeEthiopia: Dhismeyaal hay'adda NRC ku leedahay gobolka Tigray oo la burburay iyo...

Ethiopia: Dhismeyaal hay’adda NRC ku leedahay gobolka Tigray oo la burburay iyo Qaylo-dhaan laga Diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Dhismeyaal ay leedahay hay’adda gargaarka ee NRC, ayaa ka mid ah xarumo dhowr ah oo burbur laxaad leh ka soo gaadhay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

Sida lagu ogaaday Sawirro Dayax-gacmeedyo lagu qaaday oo ay heshay hay’adda qaxoontiga laga leeyahay dalka Norway ee NRC, waxa kale oo todobaadyadii u dambeeyey khasaare loo geystay oo la gubay Dugsi waxbarasho iyo Xarun Caafimaad oo ay maamusho hay’adda NRC kuwaas oo ku yaalla xeryaha qaxoontiga ee Hitsaats iyo Shimelba.

blank“Waanu cambaaraynaynaa burburka axmaqnimada leh ee loo geystay dhismayaasha iyo Xarumaha aanu u samaynay inaanu ugu adeegno dadka baahan,” waxa sidaas yidhi xoghayaha guud ee hay’adda NRC (Norweigian Refugees Council) Jan Egeland, isagoo intaas ku daray inay weerarradan geysteen dabley hubaysan oo dab-qabadsiiyey isla markaana fadhataystay xarumahan, taas oo uu sheegay inay sii murgisay dhibaato horeyba u haysatay malaayiin dad ah oo baahan.

“NRC waxay ugu baaqaysaa dowladda Ethiopia iyo dalalka deeqda bixiya inay baadhitaan ku sameeyaan burburka loo geystay dhismeyaasha iyo Ilihii lagu maamulayey gargaarka oo gacanta lagu soo dhigo ciddii ka dambaysay, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in la xaqiijiyo ilaalinta ammaanka goobaha gargaarka bani’aadamnimo laga wado,” Sidaas ayuu yidhi Egeland.

Xeryaha qaxoontiga ee Hitsaats iyo Shimelba oo ku yaalla Woqooyiga gobolka Tigray, waxa ay hoy u ahaayeen 25,000 qoxoonti u dhashay dalka Eritrea. Ilaa immika lama oga Saamaynta ay dadka qaxoontiga ah ku yeelatay burburka loo geystay xarumaha, haseyeeshee sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, waxa dib-u-dejin loo sameeyey tiro ku dhow 3,000 qof, halka in ka badan 20,000 qaxoonti ah aan wali la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya masiirka dadka qaxoontiga ah iyo waxyeellada soo gaadhay xarumaha gargaarka maadaama aanay hay’adaha gargaarku ka hawl-gali karin goobahaa.

Muddo saddex bilood ah ayaa la joogaa markii uu bilaabmay dagaalka Gobolka Tigray oo gebi ahaanba xannibay in hay’adaha gar-gaarku ka hawl-galaan goobaha miyiga ah iyo xeryaha qaxoontiga ee ay ku jiraan dadka tabaalaysan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories