HomeErgooyin Nabadeed Oo Ka Socda Xukuumadda Somaliland Oo Guumays Ka Bilaabay...

Ergooyin Nabadeed Oo Ka Socda Xukuumadda Somaliland Oo Guumays Ka Bilaabay Nabadeynta Laba Ardaa Oo Shaqaaqo Dhex Martay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa  ergooyin nabadeed oo  gurmad ah u dirtay xurguf colaadeed oo dhawaan laba beelood ku dhex martay degaanka Guumays oo ka tirsan gobolka Sool.

Waxaana shalay gaadhay tuuladda Guumays  wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud  iyo Guriyaynta   Cabdirisaaq Khaliif Axmed,  oo  qayb ka  ah ergadda nabadeed ee ay xukuumadda Somaliland u dirtay  soo af-jaridda shaqaaqadaasi  colaadeed ee dhawaan beelaha walaalaha ah  dhex martay, taasi oo dhimasho iyo dhaawac keentay oo ka dhacday tuulada Guumays ee gobolka Sool.

C/rasaaq Khaliif, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay isagoo joogay tuuladda Guumays, ayaa   sheegay in ay ku gudo jiraan   nabad ku soo dabbaalidda  shaqaaqada ka dhacday Guumays ee dhimashada keentay, iyadoo   markaa  ka dibna loo gudbi doono isku keenida odayaasha labada dhinac,

Waxaanu  tilmaamay in   isla shalayba markii ay gaadheen degaankaasi in ay kulamo la yeesheen waxgaradka labadda dhinac, isla markaana ay u muujiyeen  sida ay uga xun yihiin dhibaatadii dhacday.

“Maanta(shalay) markii aanu gaadhnay  Guumays, waxaanu  ugu horayn la kulanay  maamulka Gobolka Sool, taliyeyaasha ciidamada millateriga  iyo boolis-kaba  oo aan aad ugu amaanayo siday shaqaaqadaa dhimashada keentay uga hawl galeen,  ee ay awooda u saareen in aan khasaare dambe dhicin.

Waxaa  kale oo aanu la kulanay wax garadkii iyo odayaashii deegaanka oo dhamaantood   noo muujiyay sida ay uga xun yihiin  khasaarihii dhacay,   oo ahaa wax  shaydaan uu ka adeegay waxaanay wax garadka labada dhinacba noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin in arrinta wada hadal lagu dhameeyo oo nabadda laga wada shaqeeyo waxa meesha ka dhacayna eedeeda lama wada laha ee dhinacbaa leh,  oo  qaladka la saaray   oo dhinaca reer Laascaanood ayaa qaladka leh.

Kadib  markii dhalinyaro aanay cidina waxba la ogayn oo hubaysani  wax geysteen,waxaanan bilawnay wacyi galinta bulshada iyo  hub ka dhigista dhalinyarada hubaysan ee labada beelood haddii ay jiraan” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo aanu waydiinay waxa uga meel yaala ka xukuumad ahaan  xurguftaasi dhawaan dhex martay beelahaasi oo soo noq-noqotay, isla   la sheegay in ay ka dhalatay muran xagga dhul daaqsimeedka ah.

Waxa uu  yidhi   “Arrintu dhul lama xidhiidho oo dhul ay labada beelood ku muran san yihiin ma jiro wax shaqaaqad dhuleed ahina ma taagna.  laakiin arrintu waxay daba socotay dilal hore oo dhacay waxaanan imika gudo galaynaa in aanu halkaa ku dhamayno oo aanay dhibaato dambe dhicin ka Xukuumad ahaana waxaanu ka hawl galaynaa in aanu isu keeno labada dhinac ee dhibaatadu ka dhex dhacday,  oo dil dhex yaallo oo u baahan in kalsooni iyo nabad laga dhex beero.

Waxa  kale oo aanu ka shaqaynaynaa in gogol nabadeen oo guurtida iyo culimada iyo  madaxdhaqameedka Somalilandba ay gacan ka gaystaan in la isugu keeno oo ugu dambayn  halkaa ay ka soo baxaan go’aamo  nabadeed oo la isla qaatay.  Sababtoo  ah arrinta dhammaynteeda iyo  xal ka gaadhisteeduba waxay ka go’aysaa,  oo ay qusaysaa labada beelood isu keenidooda iyo wada hadalsiintooda.

Manta  (shalay) waxaanu kulanay oo aanu is-aragnay odayaasha labada dhinac  oo aanu kulan ku wada yeelanay guumays, caawana (xalay) waxaanu wada joognaa garaadkii iyo wax garad kale insha allaah guul  iyo nabad ayaanau ku dhamaanaysaa.”

 

C/rasaaq Khaliif, waxa kale oo uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in ay awood dawladeed ku fuliso  go’aamo kasta oo ka soo baxa nabadayntaasi oo la isla qaato. Isagoo xusay in tallaabo laga qaadi doono dhinacii ka hor yimaadda go’aamadda ka soo baxa gogosha nabadeed.

 

“Xukuumadda way ka go’an tahay in ay awood dawladeed ku fuliso wax kasta oo la isku raaco nabadna lag u dhisayo oo halkaa ka soo baxa sida horeba u dhacday marka ay go’aamo  nabadeed soo baxaan,  Xukuumadda ayay u taalla fulintoodu dalkana dawlad ayaa ka jirta,  xilka ugu waynina markaanu xaaladda labada beelood dhex taalla nabad ku soo dhamayno.  cid kasta oo ka hor timaadda go’aamada  gogosha nabadeed ka soo baxa ee la isla qaato dawladda ayaa tallaabo ka qaadaysa.”

Dhinaca kale wasiirka   oo aanu waydiinay  waxa uu kaga jawaabayo  dadka dhaliila oo ku eedeeya Wasiir aan haysan taageerada dadkiisa iyo gobolka Sool oo uu ka soo jeedo, waxa uu ku jawaabay  “Laascaanood  waxay Somaliland ku tahay taageerada beeshayda tageerada iyo kalsoonida beeshaydana waan haystaa.

Waxaanan  ahay Wasiir Somaliland oo dhan Ayaan wasiir u ahay,   cidda leh taageero ma haysto iyo hadalada caynkaas  ahina waa cid aan xaqiiqada ogayn ama gees maraysa.”

Source: DAWAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories