HomeErgayga QM oo War ka soo saaray Kulamo uu la Qaatay M/weyne...

Ergayga QM oo War ka soo saaray Kulamo uu la Qaatay M/weyne Muuse Biixi, Guddiga Doorashooyinka iyo Ururrada Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Danjire James Swan oo socdaal laba maalmood qaatay ku soo gaadhay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay kulan uu maanta qasriga madaxtooyada Somaliland kula yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay ergayga iyo wefti ka kooban saraakiisha hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala gudaha Somaliland.

Danjire James Swan iyo weftigiisa oo Salaasadii shalay soo gaadhay Dalka, waxa uu ujeeddada socdaalkiisa Somaliland iyo waxyaabaha uu kala kulmay ku faahfaahiyey war-saxaafadeed uu soo saaray gelinkii dambe ee maanta, kaddib kulankii dhexmaray madaxweynaha Somaliland.

blankWaxa uu xusay inuu kulamo kala duwan oo saacado qaatay la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Dowladda, xubno Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka wax yar kaddib markii uu Salaasadii shalay soo gaadhay dalka, kuwaas oo sida uu sheegay ay ka wada-hadleen qabsoomidda doorashada iyo barnaamijyada horumarineed ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland.

Danjire James Swan waxa uu ugu horeyn madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa xukuumadda uga mahad-celiyey qaabilaada loo sameeyey isaga iyo weftigiisa oo kulan saacado qaatay ku yeeshay Qasriga madaxtooyada, isagoo xusay in qodobbada ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland ugu horeyso Doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.

“Aniga iyo Madaxweyne Biixi waxaanu kawada hadalnay doorashooyinka soo socda. Waxaan ku faraxsanahay inaan arko horumarka laga gaadhay doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka. Saaxiibbada Somaliland ee beesha caalamku waxay rejaynayaan doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta, waxaananu soo dhoweyneynaa Go’aanka Guurtidu ku xaqiijisay in doorashada la qaban doono 31-ka May.” Sidaas ayuu James Swan ku sheegay war-saxaafadeedka.

James Swan waxa uu sheegay inay Guddiga Doorashooyinka ka go’an tahay qabsoomidda Doorashada isla markaana ay diyaariyeen dhammaan kaabayaasha farsamo ee ka midho-dhalinta doorashadu ku xidhan tahay, in kasta oo uu xusay jireen caqabado laga gudbay oo Diiwaangelinta codbixiyaashu ka mdi tahay.

“Dhammaan tilmaamaha ka muuqda Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ah in shaqada farsamo ee u diyaargarowga doorashooyinku ay si horumarsan u socdaan.

Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu waxay ahayd caqabad weyn, laakiin waxa loo fuliyey si dhammeystiran oo la wada gaadhsiiyey gobollada oo dhan.” Sidaas ayuu yidhi Danjire Swan.

James Swan waxa uu daneeyayaasha gudaha ee Doorashooyinka Somaliland ugu baaqay hirgelinta hannaan doorasho oo daah-furan, waxaanu rejo fiican ka muujiyey in Guddiga Doorashooyinku hirgeliyaan doorasho daah-furan oo ku qabsoonta xilliga loo muddeeyey.

“Waxaanu rejaynaynaa in shaqada wacan ee ay hayaan Guddiga doorashooyinka ka soo baxdo Doorasho midho-dhal ah dhammaadka bisha May,” Sidaas ayuu yidhi Mr Swan.

Ugu dambayntii, waxa uu Danjire James Swan madaxweynaha iyo Shacabka Hargeysa uga mahad-celiyey soo-dhaweynta ay isaga iyo Weftigiisa ku qaabileen, waxaanu ku baaqay in si wada-jir ah looga shaqeeyo oo la taageero barnaamijyada horumarineed ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan dalka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories