HomeErgayga Midowga Yurub oo ka hadlay Wada-shaqaytooda Somaliland iyo Mustaqbalka Xafiiskooda Hargeysa

Ergayga Midowga Yurub oo ka hadlay Wada-shaqaytooda Somaliland iyo Mustaqbalka Xafiiskooda Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

MICHELLENairobi (SLpost)- Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay Qorshe Albaabada loogu laabayo Xafiiska Midowga Yurub ku leeyahay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahintu wax ka weydiisay warar laga helay Midowga Yurub, ayaa sheegay in Midowga Yurub hoos u dhigayo hawlaha uu qabto xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa, isagoo taas ku sababeeyey Arrimo dhaqaale iyo kharashaadka EU-du ku bixiso Xafiisyadeeda oo la dhimayo.

Ergayga Gaarka ee Midowga Yurub, Danjire Michele Cervone d’Urso, ayaa arrintan kaga hadlay farriin Qoraal oo uu ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, waxaanu meesha ka saaray in Midowga Yurub joojinayo xidhiidhkii wada-shaqayneed ee ka dhexeeyey Dowladda Somaliland, isagoo sheegay inay sii wadayaan wada-shaqaynta iyo joogitaankooda Somaliland, balse waxa uu xaqiijiyey inay u guurayaan meel kale.

Farriinta Danjire Michelle ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa u qornayd sidan:- “Midowga Yurub wuxuu la sii shaqaynayaa Somaliland, waanu sii wadayaa joogitaanka Hargeysa. Waxaanu u guuraynaa Xafiisyo Cusub,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Michelle.

Xisbiyada Mucaaradka ah oo ka hadlay go’aanka Midowga Yurub ku khafiifinayo hawl-galka Xafiiskooda Hargeysa, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid ka dhalatay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxayna qayb ka noqotay eedaymo xukuumadda loogu jeediyey inay hab-dhaqankeedu dalka u horseeday go’doon siyaasadeed iyo inay lumaisay kalsoonidii iyo wada-shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland ka dhaxaysay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories