HomeErgadii Weftiga Dr Xaglo-toosiye oo maanta Hargeysa kula Kulmay madaxweynaha Somaliland

Ergadii Weftiga Dr Xaglo-toosiye oo maanta Hargeysa kula Kulmay madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Ergo ka mid ah Weftigii uu hoggaaminayey Dr Saleebaan Xaglo-toosiye oo xalay safar guure ah ku soo gaadhay magaalada Hargeysa, ayaa maanta qasriga madaxtooyada waxa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, weftigu waxa ay madax-weynaha soo gaadhsiiyeen aqbalaadda baaqii nabadeed ee madaxweyne Siilaanyo hore ugu soo jeediyey beelaha Buuhoodle.

blankWarsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergo ka mida Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo reer Buuheedle ah weftigaas oo ujeedada socdaalkoodu ay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.

blankMadaxweynaha Somaliland oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey waxa uu marka hore soo dhaweyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay,

blankSidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.

Kulankaa madaxweynaha waxa ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.”

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories