HomeErgada Somaliland uga Qayb-galay Wada-hadallada Somaliya oo caawa ka Amba-baxay Addis Ababa

Ergada Somaliland uga Qayb-galay Wada-hadallada Somaliya oo caawa ka Amba-baxay Addis Ababa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Wefti Somaliland u metalaya wada-hadallada Somaliya, oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Dalka Itoobiya, ayaa caawa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Weftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa todobaadkii socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ugu diyaar-garoobayeen wada-hadallada la filayo inay dhawaan u furmaan Somaliland iyo Somaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan: “Waxa caawa  ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Dalka Ethiopia Guddida Somaliland ku metelaya wadadahadala u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa Magaalada Adis-ababa ka dib markii ay halkaasi ku qaateen aqoon iswaydaarsiyo iyo kulamo kala duwan oo ay kaga arinsanayaan sidii guulo ugala soo noqon lahaayeen wada-hadalada Dalka Turkiga.

Weftigan oo ku sii jeeda Magaalada istanbul ee Dalka Turkiga, halkaasi oo ay ka dhacayaan wejigigii Shanaad ee Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa iskugu jira Afar Wasiir iyo Saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isagu hogaaminaya Weftigaasi ayaa sheegay inay gudidan ku sii jeeda dalka Turkiga ee ka  ambabaxay Magaalada Adis-ababa, ay halkaasi u tegayaan Wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana rajaynayaan in ay guul kala soo laabtaan taasi oo qaranka iyo shacbiga somalilandba farxad gelisa.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland waxa uu sheegay in uu guud ahaanba shacabka ku guubaabinaayo inay taageeradii lagu yiqiin la barbar istaagan guddidaasi, waxaana uu sheegay inay guddidani wakiil ka yihiin shacabka Somaliland sidaa awgeedna reer Somaliland meel ay joogaanba muujiyaan dedaal iyo niyad sami dheeriya, Somalilandna ay heli doonto waxay beesha caalamka ka rabto insha allaa sida ugu dhakhsaha badan.”

Wada-hadallada labada waddan oo filayey inay furmaan horaantii bisha, ayaa dib loogu riixay muddo aan la cayimin ka dib markii dawladda Somalia codsatay in dib loogu dhigo ilaa 15-ka bishan oo maanta ku beegan sababo la xidhiidha dhismaha xukuumadda Somaliland ee Somalia, haseyeeshee wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadlayey jawaabta ay ka bixiyeen codsiga Somalia, ayaa sheegay inaanay dhankooda Xukuumad ahaan u diyaar ahayn 15-ka bisha, iyada oo ilaa wakhtigan aan la magacaabin xukuumadda cusub ee Somaliya oo iyagu kaqayb galka shirkaas ku xidhay qabyada xukuumaddooda. Haseyeeshee lama garan-karo wakhtiga loo muddeyey wada-hadalladan iyo bilowgooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories