HomeErgada Somaliland u Metalaya Wada-hadallada oo maanta gaadhay Dalka Turkiga iyo Rejada...

Ergada Somaliland u Metalaya Wada-hadallada oo maanta gaadhay Dalka Turkiga iyo Rejada shirka oo Berri Furmaya (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Weftiga Ergada Somaliland u metelaysa wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya, ayaa maanta gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib markii ay saaka amba-baxeen magaalada Djibouti oo shalay ku gaadheen diyaarad ay ka raaceen garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Weftiga oo shalay ka amba-baxay ka duulay Hargeysa, xalayna u hoyda magaalada Jabuuti oo ay maanta gelinkii hore ka raaceen diyaarad khaas ah oo dawladda Turkigu u soo dirtay, ayaa ka kooban toban xubnood oo saddex ka mid ahi aanay ka tirsanayn Guddiga rasmiga ah ee wada-hadallada, balse arrimo farsamo oo shirkan weheliya awgeed loogu daray wada-hadallada,

ergada (3)Sida uu boggiisa Facebook ku baahiyey wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi, weftiga ayaa maanta gaadhay dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul, isaga oo sheegay in isaga iyo Wasiirka Hawlaha Guud oo aan ku jirin Guddiga wada-hadallada, ay ka mid yihiin weftiga Somaliland oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaannno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka.

Qoraalka Wasiir Maxamuud Xaashi ku baahiyey Bartiisa Facebook, ayaa u dhignaa sidan:- “ALLE Mahadii xalay ayaanu gaadhnay magaalada Istaanbul ee waddanka Turkiga, Anaga oo ah waftigii Dawladda Somaliland ugu qayb galayey wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyey.

ergada (1)Xubnaha waftiga Somaliland ee wadahalada, waxa waxa la socda xubno kale oo aan guddida ku jirin, laakin ka qayb gali doona wadahadalada arrinta maamulka hawada, xubnaas oo kale ah, aniga oo wasiirka Duulista ah, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo Agaasimaha Duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro).

Wadahadalada oo maalina barri furmaya, waxaanu ka rajnaynaa inay ka soo baxdo Najiito wanaagsan, Waxana naga go’an inaanu xaqiijino hanka iyo himalada Umadda reer Somaliland ee aanu masuul ka nahay, marna suuro gal maaha inay ka soo baxaan wax waxyeeli kara Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.”

ergada (2)Ergada Rasmi ah ee Guddiga Somaliland u metalaya wada-hadallada Soomaaliya ayaa kooban todoba Xubnood, ayaa kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida.

ergada (4)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories