HomeErgada Gobollada Sanaag iyo Sool ee ka qayb-galaysa Shirweynaha Ururka Waddani oo...

Ergada Gobollada Sanaag iyo Sool ee ka qayb-galaysa Shirweynaha Ururka Waddani oo soo gaadhay Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeys, 06 April, 2012 (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka mida ergada  gobolada Sanaag iyo Sool ee uga  qayb galaysa  shirweynaha urur siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Hargeysa.
Weftigan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururkaas ee gobolka Sanaag Cabdiraxmaan Xiis Liqe  ayaa waxa duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta sare ee ururka WADANI, waxaana loo soo galbiyay xarunta dhexe   ururka.
Mr Xiis Liqe  oo saxaafada  la hadlay,  ayaa sheegay in ay Magaalada Hargeysa u yimaadeen sidii ay uga qaybgeli lahayeen shirweynaha golaha dhexe ee urur siyaasadeedka WADANI, kaasoo la qoondeeyay in  uu 8 illaa 9  bishan April ka dhaco Magaalada Hargeysa, isaga oo masuuliyiinta soo dhaweeyay uga mahadceliyay sida ay u qaabileen.
“Marka hore waxa aan mahadcelinayaa   madaxda ururka ee nagu soo dhaweysay Magaalo madaxda gobolka Maroodi-jeex,   aniga oo ah guddoomiyaha ururka WADANI ee gobolka Sanaag, waxa aanu shalay Ceerigaabo ka soo baxnay  10:00 AM, halkan waxa aanu  nimi maanta 10:00 AM,  waxaan aad uga faraxsanahay soo dhaweynta iyo shirka aanu ka qaybgelayno” ayuu  yidhi guddoomiyaha ururka siyaasadeedka  WADANI ee gobolka Sanaag.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay cc coo hogaaminayay Ergada ka socatay Gobolka Sool, waxaanu mahad naq u jeediyay xubnaha Ururka Waddani ee halkaas ku soo dhaweeyay “Anagu waxaanu nahay ergada ka socota Gobolka Sool, waxananu aad ugu hanweynaha shirweynaha la qabanaayo ee aanu u nimi.”
Axmed Xuseen Fag-fagaash oo   ka mida aas-aasayaashii ururka  WADANI, oo isna ka hadlay halkaas, ayaa  sheegay in ay soo dhaweynayaan ergada uga timid gobolka  Sanaag.
“ Waxa  sharaf weyn ii ah in aan halkan ku soo dhaweeyo ,mahadnaqna aan siinayaa  ergada Ceerigaabo ee maanta halkan noogu timid,  ee gobolka Sanaag shalay ka soo ambabaxday , xalay oo dhana soo socotay, maantana halkan soo gaadhay, ayaanu qalbi furan ku soo dhaweynaa,iyaga oo ka qaygeli doona shirweynahayaga aanu qabanayno bisha 8-deeda iyo 9-keeda” ayuu yidhi Fag-fagaash.

sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Xasan Xuseen Codyare oo ka mid ah madaxda Ururka Wadani “Ergadan ka socota Sanaag iyo Sool waa kuwii ugu horeeyay, waxaana daba socda dhamaan Ergooyinkii ka kala imanayay Gobolada oo soo gaadhaya Caasimada Hargeysa ilaa beri insha ALah, waxanan idin sheegayaa inaad timadeen guryihiinii oo aad nala qayabsan doontaa farxada Ururka Waddani, wanan idin soo dhawaynaynaa.” Sidaas waxaa yidhi MD Codyare.

Waxaa saacadaha soo socda iska soo daba dhacaya Ergooyinka ka kala imanaya Gobolada Somaliland ee u socda Shirweynaha Axada iyo Isniinta totobaadkan soo socda ka dhici doona Magalada Hargaysa, gaar ahaan Hotel Mansoor halkaas oo lagu doorana doono hogaanka Ururka Waddani iyo Golihiisa dhexe.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories