HomeErdogan Oo Soo Noqoshada Xidhiidhka Masar Iyo Turkiga Shuruud Uga Dhigay In...

Erdogan Oo Soo Noqoshada Xidhiidhka Masar Iyo Turkiga Shuruud Uga Dhigay In La Sii Daayo Mursi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Recep_Erdogan_oo_Masar_u_digayAnkara, (SLP)- Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dAwladda Masar inay sii dAyso madaxweynihii la soo doortay ee dalkaas, Maxamed Mursi, ka hor inta aanay xukuumadda Ankara dib u eegin soo celinta xidhiidhkii ay la lahayd Masar.

Turkiga iyo Masar ayaa xidhiidhkooda xumaaday markii hogaamiyaha milateriga Cabdifataax Al-Sisi uu afgambiyay madaxweynihii la doortay ee dalkaas oo ka mid ah xubnaha ururkii Ikhwaanul Muslimiin.

Ciidanka ammaanka Masar ayaa qaaday hawlgalkii ugu ballaadhnaa oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa islaamiyiinta, waxaana dibadbaxyo balaadhan oo dalkaas ka dhacay ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale oo uu ku jiro madaxweyne Mursi iyo madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiin xabsiga loo taxaabay.

“Maxamed Mursi ayaa ku guulaystay codadkii doorashada 52%, waana in laga sii daayo xabsiga,” ayuu yidhi Erdogan oo la hadlay warbaahinta Turkiga; xilli uu kasoo laabanayay safar uu ku tagey dalka Iiraan.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Erdogan ayaa xaqiijiyay hadalkan kasoo yeedhay madaxweynaha Turkiga. Isagoo intaas ku daray in xukuumadda Ankara ay ka go’an tahay inay dib u eegto xidhiidhkii ay Masar la lahayd, laakiin taasi ay ku xidhan tahay in Qaahiri ay sii dayso Mursi.

Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa xidhiidh dhow la lahaa xisbiga talada Turkiga haya ee AK Party. Reccep Erdogan ayaa cambaareeyay markii la a-fgambiyay madaxweyne Mursi, kuna tilmaamay tallaabo aan la aqbali karin oo ay sameeyeen millateriga dalka Masar.

“Waxay nagu yidhaahdeen nama fara-gelin karo Turkigu, waa sax ma fara-galinayno, balse haddii ay wax dhacaan oo waddan dhan xoriyaddiisa lagu xad-gudbo waa inaanu hadalnaa,” ayuu yidhi Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay inay illaa 18,000 oo siyaasiyiin ah la dhigay xabsiga, kuwaasoo laga mamnuucay inay xisbiyada dalka Masar ka mid noqdaan, waxaanu dalbaday in laga qaado xayiraada.

Ugu dambayn, Turkiga ayaa billaabay in safiirkiisii u fadhiyay dalka Masar uu kala soo baxo dalkaas, iyadoo uu ka jawaabayay af-gambigii Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay iyo tacadiyada ay geysteen ciidanka amniga, iyadoo Masar ay iyaguna safiirkoodii Ankara ay u yeedhatay.

Somalilandpost

Wararka Caalamka

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories