HomeEngland: Wararkii u dambeeyey Meydad Tiro badan laga helay Gaadhi Xamuul ah

England: Wararkii u dambeeyey Meydad Tiro badan laga helay Gaadhi Xamuul ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

London (SLpost)- Magaalada Essex ee ku taala Koonfurta Galbeed ee dalka Ingiriska, waxaa laga helay gaadhi Xamuul ah oo ay saaran yihiin Meeydadka 39 qof.

blankDarawalka baabuurka xamuulka waday oo 25 jir ah ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Woqooyiga Ireland, waxaana loo taxaabay xabsiga iyadoo loo haysto inuu geystay fal-dambiyeed dil ah.

Booliska degaanka Essex waxay sheegeen inuu baabuurka xamuulka ah kasoo shiraaqday dalka Bulgaria, dalka Ingiriiskana uu soo galay Sabtidii todobaadkan. Booliska ayaa haatan baadhaya sidii loo aqoonsan lahaa meydadka, waxaana la xidhay waddada lagu qabtay baabuurka.

Ma jirin hal qof oo ka badbaaday dadkii gaadhiga xamuulka ah saarnaa kuwaasi oo la sheegay in 38 qof ay ahaayeen dad qaan-gaadh ah halka qofka kalana uu ahaa ilma yar.

Ku xigeenka shirkadda Pippa Mills oo gaadhigu u socday ayaa sheegtay in muhiimadda koobaad ay siinayaan sidii loo aqoonsan lahaa dadka dhintay oo dhammaantood loo malaynayo inay yihiin muhaajiriin shaqo doon ah ka yimi dalka Bariga Yurub ku yaalla ee Bulgaria oo xad la leh waddamada Giriigga iyo Turkiga oo ah meelaha ay tahriibayaashu uga sii gudbaan dalalka Galbeedka Yurub.

blankRaysal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay in arintani ay tahay musiibo aan la filayn oo quluubta dadka taabatay. “Waan u duceynaynaa dadkii ay musiibadu ku dhacday iyo qaraabadooduba,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Ingiriisku.

Hay’adda Dambi baadhista Ingiriiska ayaa sheegtay inay saraakiil ka qeyb qaata baadhitaanka u direen goobta laga helay. Dhanka kale afhayeen u hadlay booliska Bulgaria ayaa xaqiijiyay inay ka waraqabaan dhacdada.

Bishii June ee sannadkii 2000, ugu yaraan 58 muhaajiriin u dhashay dalka Shiinaha ayaa laga helay gaadhi xamuul ah gudaha dalka Ingriiska.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories