HomeEng. Xuseen Ibraahim Buuni Oo Ka Mid Ah Golaha Dhexe Ee KULMIYE...

Eng. Xuseen Ibraahim Buuni Oo Ka Mid Ah Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Baaq U Diray Bulshada Xaafadda Daami

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo kamid ah Golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE ayaa ugu baaqay bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa in ay ilaaliyan oo meel uga soo wada jeestaan nabadgelyada iyo amniga xaafadda.Eng.-Xuseen-310x310

Eng. Xuseen Ibraahin Buuni waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqadii habeen hore ka dhacday xaafadda Daami, shaqaaqadaas oo dhex martay dhalinyarada ku dhaqan degmada Ganaclibaax, gaar ahaan xaafadaha Daami iyo Sheekh Madar, taas oo sababtay dhaawaca laba qof iyo khasaare hantiyeed.

Eng. Xuseen Ibraahin Buuni waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlay oo oo uu warbaahinta ugu talogalay

Qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wa barakaatu, waxaan jecelahay in aan xoogaa ka idhaahdo shaqaadadii ka dhacdey xalay (habeen hore) xaafada Daami, degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, shaqaaqadaas oo ku dhex martey dhalinyaro labada xaafadood ee Sheekh Madar iyo Daami, shaqaaqadaas oo sababtay xadhig, dhaawac iyo burbur hantiba, waxaanu xafiiska wasaarada arimaha gudaha kula kulaney saaka (shalay) oo ahayd Jimce Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warance, wasiir ku xigeenka Amniga, Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iyo sarakiiil kale oo ka tirsan wasaarada arimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa goobta joogay masuuliiyiintii beelaha Gabooye, sida salaadiin, siyaasiyiin, xildhibaano, odayaal iyo dhalinyaro kale, ayaa waxaanu la qaadaney kulan ku wajahan shaqaaqadiii ka dhacday xaafada Daami, wasiir Cali Warancade, si wanaagsan ayaanu noo soo dhaweeyey wasiirka wasaarada arimaha guduhu oo kulanka fidhiyey, waxaanu kala hadalney dhibta xaafada ka dhacdey, xadhiga dadka la xidhxidhey, dhaawaca soo gaadhay dhalinyarada beesha Gabooye, aflagaado cidaanka booliska laga sheegey in ay gaadhsiyeen bulshada xaafada, burbur loo geystey guryo kamid ah  xaafada Daami iyo bulshada ku dhaqan oo dabcan aan filayo in ay labada dhinacba ka dhacdey.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan baa waxay tahay, waligeed bulsho meel ku wada nool ama xaafado jaar ah wada dagani way isqaban jirtey waanaay isqabaneysaa oo carab iyo labadiisa daan ayaa ugu dhaw oo is qabta lakiin wax walba oo dhacaaba xal ayuu leeyahay. Salaadiinta, culima awdinka siyaasiyiiinta iyo odayaasha reerkuba arinta waanu ka wada hawl galney, caano daateyna dabadeen laqabay ayay Somaalidu tidhaahdaa.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo galo hawshaas sida ay wax u dhaceen wixii dhaawac ah ee soo gaadhay beeshan sidoo kale dadka xidh xidhan cidii aanan danbi lagu hayn in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo, wixii kale ee burbur hanti ah ee soo kala gaadhay labada dhinacna sida ugu dhakhsaha badan loo eego oo xal dhakhso badan laga gaadho, dabcan dhalinyaradii meesha ku dhaawacanteyna xalayba waxaa la geeyey cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dhayey in iyaga laftooda waa dhalinyarada dhaawacantaye hawshooda sida ugu dhakhsaha badan loo galo.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa bulshada aan ka soo jeedo in hadii ay beel kamid ah beelaha ay wada dagaan ay isqabtaan Dawladu waa u dhex bulshada Somaliland guud ahaan, lakiin aan dawlada loo eedeyn ama loo aaneyn wixii dhib ah ee ka dhaca xaafada,  wuxuu wasiirka wasaarada arimaha guduhu odayaasha ku qancinayay in ay dawlad ahaan dhex umada u yihiin, garabna siinayaan cidii laga gar daran yahay. waxaan soo jeedinayaa in arinka sidii caadada ahayd loo galo oo nabad lagu dabaalo  wixi dhib ah ee meesha yaalana aynu isla eegno dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories