HomeEng Maxamed Xaashi oo Xukuumadda iyo Goleyaasha Sharci-dejinta ku Eeddeyey inay U...

Eng Maxamed Xaashi oo Xukuumadda iyo Goleyaasha Sharci-dejinta ku Eeddeyey inay U Heshiiyeen Xoolaha Umadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxamed xaashiHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka ku eedeeyey inay ka tallaabsadeen Shuruucdii ay shacabku ku doorteen inay ku metelayeen isla markaana ay dantooda gaar ah ka door-bideen u adeegista Danaha Guud ee Qaranka.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay madal Maanta lagu shaaciyey Gole lagu magacaabo ‘Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu xubin ka yahay, waxa uu sheegay in Xukuumadda iyo Goleyaasha sharci-dejintu u heshiiyeen Xoolihii umadda, isaga oo si adag u dhaliiley Kharashaadka hab-maamuuska ee Baarlamanku ku meel-marsaday in xildhibaannada la siiyo marka xilkoodu dhammaado.

Maxamed Xaashi oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Golaha Baarlamaanku intii Muddada loo kordhiyey shan sanno ayay marayan shan sannana waa loo doortay. Markaa dib kordhintiina sidii ayay u sii soconaysaa oo sharci ilaalintii iyo daba joogiina waa laga tagay, markaa waxay noqotay dano ay wada leeyihiin. Kolka aad eegto maamuuska la yidhi ha lasiiyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, Golihii Baarlamaankuna waxa uu yidhi ‘Ninkii doorashada waaya waa in sannad lacagtii la siiyo idinkuna noogu dara’, halkaasna waa iskaashi ay xoolihii Umadda ku heshiyeen oo Baarlamaanka iyo Golaha Guurtiduna qaybtooda ayay helayaan.”

Waxa uu Maxamed Xaashi sheegay inaan loo dul-qaadan karin isla markaana aanay umaddu ka yeeli doonin Golayaasha dawladda inay rabitaankooda fushadaan iskana illaabaan dantii qaranka, waxaanu yidhi, “Haddii iyagu ay wada-tashi doonayaan anagu diyaar ayaanu u nahay haddii ay iyagu yidhaahdaan waxaanu doonayno ayaanu yeelanaynaa wax soconaysa maaha. Markaa dhibaatadu waxay ka soconaysaa waa xaggooda ee xagga Ummada kama soconayso. Madaxdu in iyadu isu-kiishto maaha ee waa in shaqaalaha iyo Ciidamada milicda u taagan ee Dawladu ku socoto in iyaga loo kordhiyo ayay ahayd ee may ahayn inay iyagu korodhsadaan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories