HomeEng Maxamed Xaashi oo ka Hadlay Sicir-bararka Dalka ka Jira iyo Siyaabaha...

Eng Maxamed Xaashi oo ka Hadlay Sicir-bararka Dalka ka Jira iyo Siyaabaha Hoos loogu Dhigi Karo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay siyaabaha lagu yarayn karo sicir bararka waddanka ka taagan.

Eng. Xaashi oo waraysi siiyay Kalstan TV, wuxuu sheegay in sicir bararka lagu xalin karo iyadoo la dabar-gooyo musuqmaasuqa nooc kasta oo uu yahay  islamarkaana la isu dheeli tiro waxa la isticmaalayo iyo waxyaabaha la soo iibsanayo,  “Waxa lagu xalin karaa in dadka la simo, qaarkood waxaad odhanaysaa siyaado ayaaba loogu daroo bariga waxa la yidhi 2% halagu dhaqaaleeyo, haddba 2% mala siiyaa ayay su’aashu tahay oo dadkii loogu tallo galay ma gaadhaa, madaxdan mooyee dadkii maxaa loo qabtay. Ta’ kale wixii aynu soo iibinaynay iyo wixii aynu iibsanaynay iyagana in la isu dheelitiraa  meesha ku jirtaa.” ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaas raaciyay “Si kastaba ha ahaate, waxa weeyaan waxaan tabayaa oo meesha ka maqani waxa weeye waxa kala tagay ganacsigii oo waxa jira dad aan daba loo shidin iyo dad maal badan isticmaalaya, waxaanan u badanahay inta saboolka ah, saboolnimaduna mid Alle ina baday maaha ee waa mid xageena ka timid iyo siyaasad la’aanta dawladda.”

Isagoo ka hadlaya musuq-maasuqa wuxuu yidhi “Marka hore waxa weeyaan in musuqmaasuqa la dabar gooyaa, musuqmaasuqu lacagtuun maaha wakhtiguna wuu ku jiraa, kan buuga aan saxeexayn ee iska hoyanaya, kan aan imtixaan ku iman iyo kan lacagta qaadanayaa way ku jiraan.”

Wuxuu sheegay inay wanaagsantahay in la diyaariyo qorshihii siyaasadeed ee lagu jihayn lahaa dhallinyarada dalka u soo baxaysa, isagoo ku baaqay in imika lala xisaabtamo madaxda tartamaysa, “Dadkaas soo baxaya ee dhalinyarada ah ayay tahay sidii loo jihayn lahaa in lagu fikiro oo nimanka soo socda ee madaxtinimada doonaya taariikhdoodiina la raaco, imikana wixii ay qabanayaan ay ku sii tallo galaan oo sharciyo faro badan oo distoorka qabyo ka ah ayaa ku jira.”

Ugu dambayn wuxuu sheegay in golaha guurtidu yihiin hoyga musuqmaasuqa dalka “Guurtidaa ugu musuqmaasuq badan, waxa weeyaan 82 xubnood, 8 ayaa ka hadhay, siddeedaas qaar ayaa iyaguna bukaan jiifa, guurtidii dadku dooratay xaagay qabatay ayaa la isweydiinayaa, shaqada keliya ee ay qabtaan waa muddo kordhinta.”

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories