HomeEng. Maxamed Xaashi oo ka hadlay khilaafka Wershadda Sibidhka Berbera iyo Maalgeliga...

Eng. Maxamed Xaashi oo ka hadlay khilaafka Wershadda Sibidhka Berbera iyo Maalgeliga Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 19 March, 2012 (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay talo-bixin uu ka dhiibtay maalgashiga Wershadda Sibidhka Berbera oo muddooyinkii u danbeeyay uu taagnaa khilaaf Cirka isku shareeray oo u dhexeeyo dhinacyo kala duwan, kana dhashay dhismaha Wershadda labaad ee Sibidhka.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay maalgashiga ka hor loo baahanyahay samaynta sharcigii lagu maamuli lahaa khayraadka dalka ka dibna la kala saaro qaybaha khayraadka ee maalgashiga shirkadaha iyo ta ummadda ka dhaxaysa, waxaanu xusay inuu ka mid ahaa Guddi loo saaray Wershadda Sibidhka Berbera, isla markaana uu isagu ku taliyay in Wershaddu noqoto mid dawladdu gacanta ku hayso oo maalgashigeedana laga wada qaybgeliyo dhammaan shacabka Somaliland.

“Haddii aan ka hadlo WershaddaSibidhka ee Berbera, horta marka hore waxaynu u baahanahay in aynu samayno sharciga maamulka khayraadka (National Resource Act), kaas oo ka hadala wixii khayraad ah sida dahabka iyo sibidhka iyo khayraadka kale ee dalka oo dabadeed inta ummaddu yeelanayso iyo inta shariikadaha la siinayaa ay qeexnaato. Anigu waxaan ka mid ahaa gudidii loo saaray warshada sibidhka, taladayduna waxay ahayd inay dawladu gacanta ku hayso, laakiin sheer yar ha la iibiyo oo dadka reer Somaliland ee dunida oo dhan jooga iyo kuwa dalkaba cidii iibsanaysa ha laga qaado lacagta, marka aynu dhaafno heerkii ay warshadu ku dhismaysayna yeynaan joojine aynu wadno oo shariikado kale aynu ka samayno si dadku shaqo u helo, wadankuna uu u noqdo mid warshado leh.” Sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Xaashi oo maanta ka hadlay munaasibad uu xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaraddaas Cabdicasiis Maxamed Sammaale, taasoo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Hargeysa

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray, “Horta waxa jira laba shay oo kala duwan haddii aan samaysto warshad  sharaabka samaysa ama mid samaysa saabuunta waa wax aan anigu leeyahay, laakiin buur meel ku taala oo Ilaahay siiyey dadka marka la qodo waa wax dadka ka dhaxeeya oo qofna yeelan karin, laakiin intii ka shaqaysanaysaa wuxuun ay ka kasbani, umadanu wax bay  ka faa’iidi.”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Xaashi waxa kale oo uu ku taliyay in qiimayn lagu sammeeyo dhaawaca soo gaadhay Haamaha Kaydka shiidaalka ee Berbera ka hor inta aan tartan loo gelin. “Haamaha shiiidaalka waa in marka hore la qiimeeyo dhaawaca gaadhay iyaga dabadeedna marka aynu hagaajino tartan loo galo oo cida aynu siinayno u helno meel aynu kala bilawno.”ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories