HomeEng Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Saamayn ka Dhalan karta Dagaalka...

Eng Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Saamayn ka Dhalan karta Dagaalka Ka Socda Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda dalka Ethiopia, kaas oo uu sheegay inuu saamayn xooggan ku yeelan karo mandaqadda haddii aan la joojin.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu baaqyo kala duwan oo arrintan ku saabsan u diray madaxda dalka Ethiopia, gaar ahaan Raysalwasaaraha Ethiopia iyo Shacabka Somaliland oo uu ku boorrayiyey inay u diyaar-garoobaan saamaynta arrintan ka dhalan karta. 

blankGuddoomiye Faysal waxa uu ugu baaqay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed inuu joojiyo dagaalka oo uu dhego-nuglaado baaqyada nabadeed ee beesha Caalamka, isagoo tilmaamay inaanay is-qabanin biladda nabadeed ee lagu sharfay iyo xoog ku muquuninta Shacabkiisa.

“Waxa muuqata dagaalka Ethiopia ka socda inuu yahay dagaal fidi doona, oo aan ku ekaanayn waqooyiga Ethiopia ee deegaanka Tigrayga, sida uu sheegay ama uu qababa Raysal Wasaaraha Ethiopia. Dagaalkaasi hadaan la xakamayn oo inta goori goor tahay aan la joojin geeska oo dhan saamayn weyn ayuu ku yeelanayaa. Markaa inaga oo ah Jamhuuriyada Somaliland oo Geeska kaga naala meel halbowle ah, waxa weeyi inaynu mawqifkeena u sheegno oo talo wixii aynu hayno bixinno.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in loo diyaar-garoobo saamayn kasta oo ka dhalan karta dagaalkaas oo uu tilmaamay inaanu ku koobnaan doonin meesha uu hadda ka socdo, balse uu saamayn ku yeelan doono mandaqadda.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka guddoomiyaha Xisbiga UCID

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories