HomeEELKII WEYNAA…W

EELKII WEYNAA…W

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxay ahayd magac bixin igu cusub oo aanan hore u maqal , Waxaan saxibkay ku celiyey maxaad tidhi saxib ? Wuxuu igu jawaabay isagoo dhawaqii kor uga sii qaaday intii hore, Waxaan ku yidhi saxib (JEELKII WEYNAA) ayaan iskaga jiraa, Anigoo yaaban oo aan ogayn saxibkay in uu xidhnaa ayaan ku yidhi oo saxib in muddo ah kumaan maqal oo barraha bulshaddana  kugumaan arrage miyaad xidhnaydsaxib ? Oo jeelkaa weyn ee aad jeedaa miyuu ka weyn yahay cabirka ay jeelalka dunidu leeyihiin saxib , Saxibkay si niyadda ayuu igu qoslay, Oo uu qosalkiisii iska watay muddo il-bidhiqsiyaa, Anigoo yaaban ! ayaan saxibkay ku yidhi saxib maxaad igu qososhay siddaas
oo dhan , Saxibkay waxba e’ waxaan ku qoslay ( JEELKA WEYNAA ) ee aan kuu sheegay iyo sidaad u fahantay ! ee daacadda ah ee jeelka aad u mooday  kii caadiga ahaa ee laysku xidhayey , Anniga laftigayga  ayaaba isku qoslay cabaar, Saxibkay  oo kalmadaha ii boobsinayaa ayaa igu yidhi waa iska jeel weyn oo kale  oo waliba wax waliba yaalan , Markale ayaan saxibkay ku celiyey maxay ! si dagdag ah ayuu u yidhi jeelka weyn ee aan ku jeedaa waa waddamada yurub saxib ! waxooga ayaan aamusay oo waxaan isku kay noqon wayday ,

Saxibkaygii aan inta mudadda  sannodada ahayd hammigiisa iyo rajadiisu ahayd mar uun cagta saar waddamada yurub mid uun , Aniguna rajada iyo mustaqbalka ugu weyn ee saaxibkay ku taamayay waxaan u aqoonsanaa in uun mar cagta u saaro wadamadaa yurub, balse wakhtigii shalay iyo fikirkii shalay ba maanta  muu ahayn kii uu saxibkay qorshaynaye , waxaa bad moodaysay siduu u hadalaayey nin aan waligii ku fikirin hamiga iyo rajotoona ka qabin inuu dalka ka baxo , waxa badan ayuu saxibkay I su’aalayey hadalkiisuna sidda biyaha ay u soconayey oo kale ayay ahaayen, siduu boholyowga u qabay xataa maan awoodi karayn xataa inaan jawaab qudha u dhammaystiro  siduu wadanka ugu bohowyawsanaa waxaad is odhanaysaa tolow ma sodden sanno ayuu maqnaa, Anigiii buu shaki igaliyey siduu dareenkiisu ahaa wuxuu igu celcelinaayey,  waddankii waa sidee ? balse markasta oo uu su’aashaa I waydiiyo waxaan ugu jawaabaayey waa sidii  oo waliba abaari noo raacday , Sidoo kale wuxuu saxibkay I waydiinayey, waa sidee hebel ? oo hebelkii kale halkuu joogaa ?  hebel baryahan ma is arragteen ! Inta waxaas oo su’aal ah  I su’aalayay Aniga maskaxdaydu waxay is waydiinaysaa ninkani muuna ahayn ninkii shalay uun waddanka ka tagay ma isagaa ba wali sannado dhawra ba  maqan maxaa ka si noqday ! , saxibkay waxaa hadalkii ka muuqday isku buuq iyo culays badan oo uu dareemayo oo ay na cidkale la waddaagi karin , Wuxuu ahaa hammuum han iyo himilo dheer leh,  Balse bilo yar oo kooban gudohood  ayay kaga dhinteen rajadii iyo himmiladii fogayd ee uu lahaa , wuxuu marqudha dhulka dhigay han iyo himmilo  shan iyo tobban sanno ka dhex guuxaysay noloshiisa ,

Hadalkaagu waa u dawo iyo xusuus dheer oo maskaxdiisa ka dhex guuxaysa dharaaro  xusuustood, Wuxuu ku noolyahay intaa aad wada xasuusanaysaan oo qudha ,Habeenka iyo malintu kama dhammaadan xusuusihii soo maray iyo rafadkii uu ku soo gaadhay yurub, isaguna kama fikiro qorshe kale iyo micno kale keen balse saddexda wakhti kama warwaro huga iyo maydhasadana wuu iska helaa ,Marmarka qaarna meelo yaryar oo ayna dawladdu ogayn ayuu ka soo xammaashaa , Wuu quruxaystay oo isagiiba ma moodid wuxuu ka raystay cadceedii africa ee vitamin D dafta ka ahayd , Balse nasiib xumo waa qalfoof ayna naf hoose ku jiriin ,

Waa mayd soconaya oo kale uun markaad arragtid rajo xummada ka muuqata oo kale , waa rajo xumadda teedii oo kale uun, cabashaddiisa iyo waayihiisa iyo dhibtiisaba lama arkayo cidna uma waaya sheegto  oo isagii ba wax laga rabaa oo waa masuul masarif laga sugayo , wakhtigaa qasab kaga dhigay inuu facebook, what’upka ,viperk iyo IOM miciinsado iyagaa tol iyo qarabo ba u ah waxaa ka soo hadhay  haddii aan sidan moodayo miyaan iman lahaaba ! , Talo iyo isbarbardhigid qaarado kale tagay ayuu doonayaa inuu wakhtiga kaaga qaado, Wuxuu kugu celcelinayaa saxib yurub ha iman walaahi naf ma lahee hadda waa adigii uu ku ogaa inaanad uba socon ! wuu is masaxay oo wuu iloobay inuuna hammigaagu ahay dhoof oo yurub tag , Markaad ku tidhaa saxib soo digii qorshahayga ogaa , Wuxuu si dagdag ah kuugu jawab celinayaa adiga maaha saxib ciyaalkiina iyo cidda ku soo socota u sheeg , ilayn waa nin boholyawsane minit gudaheed ayuu shan qorshe kaaga wadda sheekaynayaa , Si sheeko oo kale ah ayuu doonayaa inuu kugu dawadsiiyo waddamo badan oo uu tahriib ku sii maray iyo waliba waddamada  yurub oo dhan ,

Haddii ba aad cabaar sii sheekaysataan sheekadu waxay idinla tagaysaa waddano kale oo aanu arragba inuu kaaga sheekeyo ,Waxaa ugu weyn ee uu samayn karaa waa inuu u sheekeeyo oo kaliya cidkasta oo online ka ah internetka , Mar facebook ayuu eegayaa cidda online ka ah haddana ka rog oo sar Snabchat ayuu ba video iska yar duubayaa , Noloshiba waxay kaga soo koobantay in ay smartphone iyo laptop ayay walalo iyo qaraabo noqdaan ,Cid iyo ciirsi toona ma haysto oo qol saddex mitir ah oo isku weer ah ayuu waddanka kaga nool yahay , mana waalna mana fayooba oo isaga laftigiisa ayaa is raadinaya inuu faano oo kaliya ayuu u noolyahay oo kalsooniddi ayaa ka luntay oo wuxuu moodayaa inuu qofkastaba video camara ku daawanayo waayihiisa nololeed, Waa sababta keentay inuu xaqiiqda ka hadal , Balse haddii uu kalsooni kugu qabo oo aad saxib fog ahaydeen minite gudaheed ayaad ku karhaysaa calaacalkiisa iyo niyad xumadiisa ,

Waa waayo arrag nololeed siddoo kale waa mujaahid hamigiisa iyo himiladiisa u maray waddooyinkii dhimmashada ama ba waa halyey hamigiisa u sadqeeyey  naftiisa , Sidoo kale waa geesi u badheedhay wax kasta oo dhici kara , Waa qof soo maray wadiiqoyinka geeridda iyo nolosha ba, Wuxuu na xarbi kula jiraa inuu naftisa fahansiiyo hummaagi u sawirtay iyo maxsuulkii uga soo baxay sawirkiisas , Dhibta ugu weyn ee uu soo maray waxaa kaga daran xaqiiqda imika hortaal ee u baahan in ay naftu rummaysato , kurbaddii iyo walaacii shalay waxaa maanta kala kulul noloshan uu ku soo dhex dhacay sidii uu ula qabsan lahaa ,Wagareey waa ba naf ku dhex baraarugtay  in dhammaan dadkuba suntan yihiin( Sharci ay haystaan ) , Summad la’aana midhiba dhici karin waana dhul ay adagtahay in lagu sunto oo calaamad am numbero aad ku noolato si dhayal ah lagugu siiyo, ( Passport ) helida sharciga ama summada waddamadan  waa itaxaan dheer oo su’aalo badan oo ay fududahay dhicidiisu , waxay se u baahan tahay la qabsi iyo samir fara badan iyo talada ALLE  oo aad ku qanacdo si kasta oo ay wax u dhacaan ba. .

 

Magaca: Abokor Omar Osman

Email:Abokoromer@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories