HomeEed ha qaadin!

Eed ha qaadin!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Masuuliyaddu ama xilku sidaad mooday maaha wax lacag, Magac, Maamuus, Sharaf iyo Haybad laga kasbado waa ay qodxo, xagtimo, xurguf iyo hantaaqo badantahay oo wajigaaga, cibaadada iyo aakhiradaadaba waxey kaga tageysaa dhawacyo aanad kasoo kaban.

Waxa ay ka bilaabanta masuuliyadu waa naftaada haa, naftaada ayaad ugu horeyn ka masuul tahay iyo haddba cidii kaa agdhaw bil masal ninku waxa uu masuul kayahay qoyskiisa, ooridu waxey ka masuul tahay ubadkeeda, halkaasaney kasoo bilaabantaa jaranjarada diihaalka iyo balada badan ee loo yaqaano masuuliyad.

Waxaad arkeysa qof tiisiiba u taagla oo hadana tu kale u hanqal taagaya,waa hawl culeyskeeda leh inaad qof kaliya ka masuul ahaato, bal kawaran haddaad qaran isku daydidna waxa lagaaga baahan yahay inaad cadaalad, garsoor, miisaan , iyo tanaasul ku dhaqdid tolow yaan usheegayaa, mooji , “dhagihii waansan ba weelayne wad” oo aad ka reebanaantid eex, qof-jeclaysi, qabyaalad, iyo dhacsasho hantida guud oo malaha imika ku suntanba waxa loogu kala baratamayo in qarankan la maamulo, cajaaib!! waxaad moodaa hilib ay rag u jeelay boobayaan oo ay hadba gees iskula ciirayaan kii ku guuleystaa moodayo inay aduunyadii oo idil gacantiisa usoo hoyatey kii ku libin waayaana uu keenayo barabogaandooyin ah in la dhacay oo caadifada dadka waa tii qabiilkee kusoo kackicinayo “Tollaay dhankiina layga soo galey”, haddaba waxan loo baratamayaa miyaaney culayska buurahaana ka miisaan badneyn oo waliba? haddii laguu dhiibo uun waxbaba may ahaateene kitaab baa babacada midig laguu saarayaa, subxaanalaah.

Aan hollado gundhiga qormadan  “Nin xil qaadey eed qaad” walee wuu qaaday oo been maahee, kii wax hagaajiya ee inta karaankiiya is yidhaa wax toosi waxbaa laga sheegi oo intii musuqa, is-dabaweydaarinta, laaluushka, dhaca iyo boobka dadka maatida ah iyo qudhunka ku noolayd ayaa olole horle u galaya sidii ay ugu dhigi lahaayeen dabbino aanu kasoo bixin jeero uu naadiyadooda kusoo biro “ka quuso ama kamidnoqo”,  xilku waa wareegto wakhtiguna waa seef oo adoo bartey inaad hantida umada afka iyo caloosha ka buuxsato ayuunba aayar lagaa wareejinayaa, “dacawo meel ay macal ku baratey macaluul ugu go,daa” markaasa laga kari waayayaa calafkaagi ka heshee iskaga hadh xilkan iyo waxan aad radinaysid uun. Wagagac meesha waxbaa lagu bartee badso mooye ka baxso maleh.

Xiisada aloosanta dharaaraha doorashooyinka ee ololaha lagu wada miyir laayahay waxey ka tagtaa olol, boodh, sicir-barar iyo haraad ka muuqda dhamaan waddanka, waxa la caadeysataa wakhtiyadaa in la burburiyo dhaqaale aad u badan oo jaad iyo waxaan naf laheyn lagu ruugo, waxaa dib usoo biqla geedkii qabiilka oo haddba doorasho sidii loo waraabinayey hadda geed weyn oo midho dhal ah noqday, waxa baaba,a dhalin badan oo wadanka usoo kacayey.

Kabo kulleyka, qiiqa, busaarada, isku buuqa, daganaasho la,aanta, xasiloonida oo guurta, nimcada eebe oo yaraata, abaaraha, isfahanwaaga iyo waxyaabo kaloo badani waxey ka tafiirmaan marka ay cadaaladu faraha ka baxdo sida aynu kusuganahay imika ee masaakiinta xoolahooda la xalaashado, ee cid la aamino la waayo ee quluubta xiqdi iyo xanuun aan dhamaad laheyni galo taasina waxa u aabo iyo hooyoba ah waa dadkii juhalada ahaa oo madaxii iyo maamulkii laga dhigayo, jaahil markaan leeyahay dad aynu aqoonyahan u naqaano ayaa safafka hore kaga jiri kara sababtoo ah waa qof diinti ka indho saaban amaba iska indho saabaya.

Dimuqraadiyadna garan maynee rabow naga soo gaadh doorashooyin iyo qaladahoodii baa nagusoo fool leh oo mindiyaha losii soofaynayaaye.

 

 

 

 

 

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories