HomeEdward oo Ka  Tirsanaan jiray Sirdoonka Maraykanka Oo Sheegay in Usaama Bin Laadin...

Edward oo Ka  Tirsanaan jiray Sirdoonka Maraykanka Oo Sheegay in Usaama Bin Laadin Noolyahay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Moscow (SLpost) Ninka fashiliyey sirro ammaaneedka Maraykanka ee Edward Snowden oo hore uga tirsana hay’adda hawlaha ammaanka u qaabilsan Maraykanka ee NSA, ayaa soo saaray warbixin muran badan dhaliyey, isagoo sheegay inuu hayo macluumaaad lagu kalsoonaan karo oo caddaynaya in hoggaamiyihii Al Qaacida ee Osama Bin Laden uu wali nool yahay.

 

Mr. Snowden oo baxsad ku jooga dalka Ruushka, kadib markii uu faafiyey sirro Hay’adda Ammaanka Maraykanka (NSA) lahayd, gaar ahaan barnaamijka basaasida tiknoolajiyada, ayaa warkan soo shaac saaray.

 

Waxa uu sheegay in Osama uu si xarago iyo nolol heer sarraysa ah ugu nool yahay Jasiirada Bahamas ee waqooyiga Ameerika, kharashaad iyo lacag badana ay ku kharashgareeyaan sirdoonka CIA-da.

 

“Waxa aan hayaa dokumanti iftiiminaya in Bin Laden wali nool yahay oo CIA lacag siiso. Waxa uu wali helaa in ka badan $100,000 dollar bishiiba, kaasoo loogu mariyo nidaam ganacsi iyo ururro ah si toos ahna ugu dhaca akawn uu ku leeyahay bangiga la yidhaa Nassau. Ma hubo halka uu ku sugan yahay, balse sannadkii 2013 ka waxa uu si nabad ah ugu noola bangalo weyn oo ay la joogeen 5 dumar ah ee xaasaskiisa ahaa iyo qaar badan oo carruurtiisa ka mid ah,” ayuu idhi Snowden.

 

Waxa uu Snowden sheegay in CIA ay been abuur ka sheegtay dhimashada hoggaamiyihii hore ee Al Qaacida, isaga iyo qoyskiisana ay geeyeen goob qarsoodi ah oo ku taal Jasiirada Bahamas, waxaannu tilmaanay inuu ka mid ahaa sirdoonka ugu khatarsan CIA-da ee u hawlgalaayey, waxaannu yidhi; “Osama Bin Laden oo ka mid ah ragga CIA ugu hawlkarsanaa ee muddada dheer u shaqaynaayey. Farriin kale oo noocee ah bay u diri lahaayeeen ragga kale u shaqeeya haddii aanay odhan lahayn waxa dilay SEALs? Waxa ay diyaariyeen khiyaamo lagu been abuuraayo dhimashadiisa, iyagoo kaalmo ka helaaya Bakistan sirdoonkeeda, waannu is qariyey. Qof kasta waxa uu aaminay inuu dhintay, qofna ma uu raadin, sidaa darteed way fududahayd inuu qarsoomo. Gadh la’aanta iyo koodhka millateriga oo aanu xidhnayn dartood qofna ma aqoonsanaayo.”

 

Mr. Snowden waxa uu sheegay in dhukumantiyada uu hayaa caddaynayaan in Bin Laden nool yahay, buug uu dhawaan soo saari doonana ku cadaynaayo arrimahan.

 

Edward Snowden waxa shaqaalaysiisay hay’adda Ammaanka Maraykanka ee NSA sannadkii 2013, maadaama uu hore uga soo shaqayn jiray sirdoonka CIA. Bishii June ee isla sannadkaass waxa uu dibada u soo saaray kummanaan dhukumanti oo siraraha NSA ah oo uu siiyey suxufiyiin.

 

Dawladda Maraykanku waxa ay ku xukuntay inuu hawlo basaasnimo ku kacay, waxaannu magangelyo ahaan ugu nool yahay waqtigan magaalada Moscow ee dalka Ruushka, kadib markii uu ka baxsaday Hong Kong oo uu tegay markii uu faylasha iyo siraha fashiliyey.

 

July 28, 2015 waxa Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyee diiday codsi ay saxeexeen 168,000 qof oo ay ku dalbanaayeen in lagu cafiyo (Codsigan waxa hal-ku-dhigiisu ahaa ‘Waxa aan nahay Dadkii’ (We the People).

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories