HomeEdna Aadan Ismaaciil oo Walaac Xooggan ka muujisay Heer Cudurka Covid-19 ka...

Edna Aadan Ismaaciil oo Walaac Xooggan ka muujisay Heer Cudurka Covid-19 ka marayo Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Gaarka ah Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa walaac xooggan ka muujisay heerka Xannuunka Covid-19 ka marayo dalka.

Drs Edna Aadan waxa ay sheegtay in xannuunka Covid-19 uu Somaliland si maalinle ah ugu dilo Dad tiradoodu u dhaxayso 10 illaa 30 Ruux, sidaasi darteed Dadweynaha looga baahan yahay inay u hoggaansamaan tilmaamaha caafimaad ee ka-hortagga iyo Xakamaynta faafitaanka Caabuqa Coronavirus.

blank“Waad wada garanaysaan in Faafidda xanuunka Covid-19 ay tahay mid aad iyo aad u fudud, sidaas darteed ka hor taggiisa ayaynu rabnaa inaynu meel uga soo wada jeedsano,” Sidaas ayay tidhi Dr Edna Aadan oo waraysi siisay telefishanka madaxa-bannaan ee SAAB.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Drs Edna Aadan waxa ay walaac ka muujisay heerka uu xannuunka Covid-19 ka marayo Somaliland.

“Xanuunku Dad badan buu galaaftay, Xabaalihii way buuxaan, Maalin walba waxa innaga dhimanaya 10, 20 iyo 30, markaa waa in si muddakar ah oo ay Masuuliyad ku dheehan tahay aynu uga soo wada horjeedsano Xanuunka,”ayay tidhi Dr Edna Aadan Ismaaciil.

Waxa ay rejo wanaagsan ka muujisy in tallaalka ka-hortagga Covid-19 wada-gaadho guud ahaan dalka, waxaanay tidhi, “Tallaalku goorta uu Dadka wada gaadhi Ilaahaybaa og, immika wuxuu marayaa Wasaaradda Caafimadka iyo in yar oo hareero joogta, laakiin ka hor-taggii debcin mayno, waxaanuse rejaynayaa in sida Dawladaha kale ee Adduunku Tallaalka u fidiyeen inuu innagana suurto-geli doono”.

“Khudbaddii Madaxweynaha ayay ku jirtay in Dawladdu ay isku mashquulinayso Daawada Covid-19 wax ay deeq ku hesho iyo wax aynu iibsanaba, laakiin maxaynu ku sugaynaa haddii Tallaalku inna soo gaadho innaga oo dhamaanay, maxay taraysaa? Markaa waa in si adag looga hor-tago,” Sidaas ayay tidhi Drs Edna Aadan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories